03 July, 2013

Wargeyska the Guardian Oo Warbixin Ka Qoray Eedo Warshada Chinese-ka Ee Dacar-Budhuq Looga Soo Jeediyey Sun Ay Ku Daadiso Meelo Biyo Mareeno Ah

Wargeyska the Guardian Oo Warbixin Ka Qoray Eedo Warshada Chinese-ka Ee Dacar-Budhuq Looga Soo Jeediyey Sun Ay Ku Daadiso Meelo Biyo Mareeno Ah
Warshad ay leeyihiin Maalgashato Chinese ah oo xarunteedu tahay Somaliland


Hargeysa, July 3, 2013 (the Guardian/Haatuf) - Warshad ay leeyihiin Maalgashato Chinese ah oo xarunteedu tahay Somaliland ayaa lagu eedeeyey inay ku daadiso Sun Chemicals ah marino biyuhu maraan. Hase yeeshee dawlada Somaliland ayaa ku guuldaraysatay inay faragaliso iyadoo ka cabsi qabta inay ka hadasho maalgashiga dibada, sida ay sheegeen dadka deegaanku. Warshada Jeronimo Group of Industries and Trading PLC, oo iyadu farsamaysa Hargaha iyo Saamaha ayaa ah warshadii ugu horaysay ee dibada laga leeyahay oo ku taala dal ku yaala Bariga Afrika.

 Waxaanay ka hawlgalaysay deegaanka Dacar-budhuq oo 60km dibada ka ah Caasimada Hargeysa tan iyo 2008-dii. Dadka ku nool meelaha ku dhaw warshadan ayaa marar badan cabasho ka soo jeediyey dhibaatooyin ka haysta neefsashada. Shaqaale hore uga shaqaynayey warshada Jeronimo oo magaciisa ku sheegay Ibraahim ayaa tilmaamay in maalin uu isku qasayey walxo ka kooban chromium isagoon xidhan wax mask-ka wajiga lagu xidho ah ay waxyeelo ka soo gaadhay, isla markaana markii uu dhulka ku dhacay dhaawac kasoo gaadhay madaxa. “Warshadu imay gayn Cusbitaal” ayuu yidhi “Ilaa maantana waxay dhibaato iga haysataa neefsashada” dad kale oo deegaankaasi ku dhaqan ayaa cadeeyey dhibaatooyin caafimaad oo ay ku hayso warshadaasi. Markii Wargeyska the Guardian oo ka soo baxa Ingiriisku uu baadhid ku sameeyey Xayndaabka Warshada Jeronimo waxa uu ogaaday Halis aan loo dulqaadan Karin iyo shaqaalaha oo aan haba yaraatee xidhnayn Waxyaabihii Wajiga lagu xidhanayey iyo Kabihii/sharabaadadii ku haboonaa, waxaana qalabkaasi ay iska yaaleen warshada dhexdeeda. Khashinka warshada ayaa lagu daadiyaa biyo mareenada (Dooxyada), waxaana cad in warshadani si madmadow ku jiro ay ugu dhaqmayso sharciga gudaha iyo caalamkaba ka yaala warshadaha noocan ah ee Hargaha iyo Saamaha

Maalgashiga shisheeye ee sida warshadan Jeronimo ayaa muhiimad u leh Somaliland, iyadoo aan la tilmaamayn waxyaabaha ay ku hayso dadka deegaanka Dacarbudhuq. “Hadii dawladu ay wax walaac ah ka qabtay arrimaha caafimaadka, waxa ay Jeegareeyeen ka hor intii aanaanu halkan iman” sidaasi waxa yidhi Li Fai La, maamulaha warshada. Isagoo meesha ka saaraya dhibaatooyinka ay keento, waxaanu sheegay in warshadu ay wixii wasakh ah ku shubto meelo warshada ka fog ilaa 3Km. Hase yeeshee Madaxa shirkadani muu sheegin cadadka khashinka iyo hadhaaga Chemicals-ka ay qubaan, waxaanu the Guardian garawsaday in warshadu aanay lahaynba hanaan lagu maamulo khashinka Kimikaliska ah ee warshadu soo saarto. Mr Li, waxa uu aaminsan yahay in cabashadu ay tahay ujeedooyin dhaqaale, waxaanu sheegay inay hadda doonayaan inay Jeronimo ula guuraan dalka Somaliland jaarka la ah ee Ethiopia. 


Xigasho Wargeyska Haatuf 

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: