15 July, 2013

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud Oo Gudoomiyaha UCID Ereyo Qaawan Ku Weeraray

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud  Oo Gudoomiyaha UCID  Ereyo Qaawan Ku Weeraray
4 July 2013

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud oo ka mid ah wasiiradii uu dhawaanta magacaabay madaxwayne siilaanyoHargeysa(xogreebnews.com-Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud oo ka mid ah wasiiradii uu dhawaanta magacaabay madaxwayne siilaanyo ee xukuumadiisa uu isku shaandhaynta ku sameeyey, ayaa wasiir ku xigeenka gaashaandhigu, waxa uu aflagaado cad oo aan geedna loogu soo gaban ku weeraray Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.

Waa kan warsaxafadeedkii Wasiir Xigeenku:

" Waxaan jecel ahay in aan ummada u sheego in Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, uu ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo jaahwareer isaga iyo xisbigiisiiba,somalidu waxay tidhaahdaa geela awrkiisu durduriyo aarankiisana maxaad u malayn waxaan uga jeedaa waxaan xalay tviiga horncable ka daawaday faysal oo tawaawacay oo leh waxaa la iga reebay shirka turkiga ee dhawaan la qaban doono.Hadaba Faysal Cali Waraabe waxaa uu ka mid yahay saaqidiinta siyaasada kuwa ugu waaweyn, waayo ninka hogaamiyaha ah waxaa laga rabaa haddii uu guulaysan waayo in uu ka dego gudoonka iyo hogaanka xisbiga oo uu dhan uga baydho si uu xisbigiisu u badbaado may dhicin, ee faysal waxaa uu ku sugay ilaa iyo inta uu ka waalanyey bal hada eega hadalada uu raaciyo warbaahinta, isaga oo aad moodo nin waalan oo aan u meel deyayn hadalkiisa waliba ilaahay ka qaaday wixii nuxurka la odhan jiray.

Si kastaba ha ahaatee Faysal Cali Waraabe waxaa uu ka mid yahay saaqidiinta ma gudbaanka ah ee siyaasada Somaliland, waxaana taa kuu cadaynaya inta jeer ee uu xisbigiisu guul keeni waayey isla markaana uu isagii hadana sii hor fadhiyo iyo hadalada aanu u meel dayeyn kuwaasi, oo ay ugu baxeen naanayso badan.Waxaan ummada u sheegayaa in aanu Faysal ahayn nin dhan isla markaana uu ku dhacay khalkhal siyaasadeed iyo hinaase,sidaasi awgeed waxaa marag ma doon ah inuu faysal qaaday talaabo kasta oo uu dan mooday haddii ay tahay orod badan haddii ay tahay hadal waxbase uu ku waayey.Waxaa kale oo faysal hinaasaha ku riday isaga oo arkay in aanu gaadhi karayn xukuumadan kulmiye, oo dhaqaajisay maamulkii dawldnimo.Hadaba in kasta oo uu yahay xisbi sharci ah hadana hogaanka xisibigu wuu khalkhalsan yahay, markaa ilama ah in la aamino waayo waxba waanu qarin karayn markaaba wuxuu sheegayaa sirtii lagu wada hadlayey,

si kastaba ha ahtee waxaan u sheegayaa ummad in qof kasta oo siyaasada ku saaqida aan la ddhegaysan waxna aan laga qorin waayo waxa uu ka mid yahay Faysal Cali Waraabe saaqidiinta siyaasada Somaliland.Waxaa kale oo Faysal caadaystay been ka sheegid madaxda qaranka iyo wixii uu arko ee ku saabsan xukuumada KULMIYE, taasina waxaa markhaati ka ah haddii aad dhegaysato hadaladiisa isdhaafka ah waxaa ay yihiin been abuur iyo buun buunin, waxaan odhan lahaa Faysal Cali Waraabe xilka xisbiga iska wareeji, sumcad kuu hadhay ma jirto waxaan ka ahayn in adiga oo tviiga ka hadlaya aad maryahay dhigato ilayn waxaa kugu dhacay maskax guur.Gunta iyo gabagabada waxaan u sheegi lahaa xisbiyada mucaaradka ah in aydaan gaadhi karayn xukuumadan uu hogaaminayo mudane Axmed.M.M.siilaanyo oo ah ruug cadaa siyaasadeed, waxaa kale oo aydaan gaadhi karayn wax qabadka muuqda ee ay ku talaabsatay xukuumadani mudadii seddexda sano ahayd ee ay haysay xilka.

Waxaa kale oo aan xukuumada Somaliland ka codsanayaa in aan Faysal lagu aamini karin masiirka ummad, lamana gayn karo fagaarayaasha looga hadlayo arrimaha Somaliland, isla markaana laga ilaaliyo in uu raaco madaxweynaha Somaliland.Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan kooban inuu Faysal Cali Waraabe ku danbayn doono wisiirka hawlaga guud ee dalka somaliya dhawaana la maqli doono."

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga Cabdi Daahir Camuud


No comments: