16 July, 2013

Shaqaalihii Hay’adda Interpeace Ee Puntland Oo Usoo Qaxay Hargeysa Kadib Markii La Burburiyey Xafiisyadii Ay Ku Lahaayeen Garoowe

Shaqaalihii Hay’adda Interpeace Ee Puntland Oo Usoo Qaxay Hargeysa Kadib Markii La Burburiyey Xafiisyadii Ay Ku Lahaayeen Garoowe

Hargeysa, July 16, 2013 (Haatuf) – Shaqaalihii hay’adda Interpeace ee ka hawlgalayey maamul goboleedka Puntland ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa kadib markii la burburiyey xafiisyadii ay ku lahaayeen Garoowe, isla markaana la gubay waraaqixii ay usoo sameeyeen cod bixinta doorashada Puntland. Hay’adda Interpeace ayaa iyadu gacan ka siinaysay maamulka Puntland qabashad doorashada golayaasha deegaanka oo lagu waday inay qabsoonto 15-kii bishan oo shalay ahayd. Hase yeeshee Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Mr Faroole ayaa isagu ku dhawaaqay doraad in la laalay doorashadaasi kadib markii dad cadhaysan oo ka soo horjeeday in la qabto doorashadaasi ay weerar kala hortageen gaadiidkii siday agabka doorashada ee magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacayo, waxaana magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar uu dagaal xooggan oo hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday oo khasaare geystay uu ka dhacay markii dad ka soo horjeeda in doorashada la qabto ay halkaasi ku gubeen waraaqihii iyo sanaaduuqdii doorashada loogu talo galay.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: