13 July, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM MAXAMED CALI

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASN CARWO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM MAXAMED CALI


 La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Jaaliyadda Soomaliland ee UK. Waxaan tacsi kal iyo laab ah u dirayaa xaaska marxuumka, Caasha Xaji Axmed Ildab iyo tafiirta uu ka tegay oo dhammaan degen dalkan UK. 
 ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED CALI oo ku geeriyooday Magaalada London Jimcihii, laguna aaasay maanta 13/07/2013, waxuu ahaa nin lagu yaqaano hadal yaraan, aadna u necbaa xanta iyo sheekooyinka dadka kala durkiya. Waxuu ahaa nin Alle ka cabsi badan, bulshaawi ummadda oo dhammi la saxiib tahay, cidna jidh diidin.  

 MAXAMED CALI waxuu ahaa oday ka mid ahaa tiirarka Jaaliaydda Cardiff iyo London isagoo  door-muhiima ka soo qaatay halgankii SNM iyo nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland ee walaalaha ah. Kolna kamuu daalin hawl bulsho oo dani ugu jirto Jaaliyadda amba dalka hooyo. Waxuu ahaa hormood u hibeeya waqti iyo adduunba haajinta iyo horumarinta bulshada.

 Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanba uu waafajiyo samir iyo duco. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN 

Axmed Xasan Carwo 
La-taliyaha Madaxweynaha SL 
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga 

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: