19 July, 2013

Gudomiyaha Qurbajoga SLand ee EU Abdiraxman Ubaxle oo Jaaliyada Birmingham Uga Digay Banaanbaxa ay Beri Birmingham ka dhigi doonaan

Gudomiyaha Qurbajoga SLand ee EU Abdiraxman Ubaxle oo Jaaliyada Birmingham Uga Digay Banaanbaxa ay Beri Birmingham ka dhigi doonaan EDL.‏



Sida ay qorshaysteen Kooxda lagu magcaabo English Defence League EDL oo ku dooda inay difaacaan dhaqanka dadka gaalada ah iyo diintooda, muslimiintana u yaqaan Terrorist ayaa beri oo sabti ah 20/07/2013 waxay isugu imanayaan Badhtamaha magaalada Birmingham gaar ahaan Chamberlain Square between 11am to 2pm iyagoo ka dhigi doona isu soo bax weyn oo ay isaga imanayaan dhamaan gobolada dalka UK, waxayna caado u leeyihiin inay si xooga u cabaan khamriga noocyadiisa kala duwan isla markaana la dagaalamaan Policka iyo cid kasta oo ay nerceb yihiin gaar ahaan muslimiinta iyo ajaanibta dalka ku yar.

Hadaba sida ay nagu soo war geliyeen Policika west midlan waxay sheegeen inay ku guul daraysteen inay joojiyaan isu soo baxan oo abuuri kara isku dhacyo dhex mara bulshada noocyadeeda kala duwan iyo EDL balse ay diyaariyeen police dhan 1000 ( kun askari) iyo weliba boqolaal standby ahaan doona, sidaa darteed ay feejignaan gaara yeeshan bulshadu.

Xafiiska Qurbajooga Somaliland laantiisa EU oo xaruntiisu tahay Magaalada Birmingham isagoo ilaalinaya nabadgelyada muwaadiniintooda wuxuu arintan darteed uga digayaa Jaaliyada Somaliland ee degan Birmingham iyo nawaaxigeeda inay maalinta beri ah ka fogaadaan goobahaas ay kooxdaasi isugu imanyso saacadaha aan kor ku xusnay si aanay wax dhib ahi uga soo gaadhi, sidoo kale wuxuu Policku sheegay in EDL ay Birmingham ku iman doonaan Basaska, Cocheska iyo taremada isla markaana ay dhici karto inta ay safarkooda ku guda jiraan inay wax yeelayn karaan dadka rakaabka ah markaa arintaana feejignaanteeda lahaada.

Halkan hoose waxaan idiinku soo gudbinay dhawr Vidio oo muujinaya isu soo baxyada EDL ee sanadkii hore iyo sida ay isugu dhacaan dadka muslimiinta ah.

Dr. Abdirahman Ali Ubaxle
Gudomiyaha Qurbajooga Somaliland ee EU
Birmingham UK


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: