17 June, 2013

War Deg-deg Ah: Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Maroodijeex iyo Xulka Gobolka Gabiley oo dagaal ku dhaxmaray...

War Deg-deg Ah: Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka Maroodijeex iyo Xulka Gobolka Gabiley oo dagaal ku dhaxmaray...


Hargeysa - Waxa dagaalku ka bilaabmay Goolwadaha maroodijeex oo hore ugu ciyaari jiray Gabiley iyo ciyaaryahanka lambar 5 loona yaqaan Dhay Loáad ee Gabiley

Weerarkan Ayaa Ka Bilowday Kadib Markii Maanta Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr: Maxamed C/laahi Cumar Uu Munaasibad Qado Sharafeed Ah Ku Maamuusay Afarka Kooxood Ee Iskugusoo Hadhay Final-ka Ciyaaraha Gobolada Somaliland Ee Kala Ah Gabiley, Hawd, Daadmadheedh, Iyo Hargeysa Oo Dhamaantood Maanta Iskugu Yimid Hottel Maansoor.

Kahor Intii Aan La Gaadhin Qadada Ayaa Waxa Ay Dhamaan Ciyaartoygu Ku Sharaabayeen Gudaha Hoolka qadada Iyada Oo Dhmaantood Ay Wakhtigaasi U Diyaar Garoobeen Cunida Qadada Wakhtigaasna Masuuliyiintu Kuma Ay Sugnayn Gudaha Hoolka Balse Kaliya Waxa Madasha Ku Sugnaa Ciyaartoyga Xulalka Afarta Gobol.

Albaabka Galbeed Ee Hoolka Ayaa Waxa Kasoo Gakay Gool wadaha Gobolka Maroodijeex Oo Lagu magacaabo Guuleed Faranaando Oo Isagu Hore U Ahaan Jiray Gool Wadaha Xulka Gobolka Gabiley Kadib Markuu Soo Galay Waxa laga war helay isaga iyo ciyaaryahanka Gobolka Gabiley Ee Lagu Magacaabo Dhay Lo,aad oo dagaalamaaya. Kadib Ayay Dhamaan Ciyaartoyga Labada Gobol Ee Hargeysa Iyo Gabiley Kala Safteen Iyada Oo Laysku Adeegsanayey Kuraastii Taalay Gudaha Hudheelka Oo Laysla Dhacayey .

Inataasi Kadib Waxaa Soo Gaadhay Ciidanka Amniga Ee Hottel Maansoor Iyada Oo Dhamaan Hoolkii Dibada Layskalasoo Baxay Kadib Ciidanka Amniga Ee Hottel Maansoor Ayaa Rasaar Ku Kala Eryay Ciyaartoga Iyagu Isku Laynayey Gudaha Hottelka.

Kadibna Waxaa Soo Gaadhay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Isagu Ku Sugnaa Gudaha Huteelka Oo Uu Weheliyo Maayirka Caasimada Hargeysa
waxayna ku guulaysteen inay kala joojiyaan ooy kala kaxeeyaan.

Si Kastaba Ha Ahaatee Dadwaynahu Waxa Ay Ka Dhur Sugayaan Go,aanka Uu Ka Qaadan Doono Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaruhu Dagaalkaasi ka hor Ciyaarta Bari Dhex Mari Doonta Gobolada Gabiley Iyo Maroodijeex.

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: