22 June, 2013

Rajada Dalka Somalia,Duulaanka Dalalka Shisheeyaha+Dagaalyahanada Alshabaab ,Damaca Qarsoon iyo Dibindaabyada Shacabka.

Rajada Dalka Somalia,Duulaanka  Dalalka Shisheeyaha+Dagaalyahanada Alshabaab ,Damaca Qarsoon iyo Dibindaabyada Shacabka.

(Qormo Taxane ah oo Xanbaarsan Xiise,Xaqiiq iyo Xog Dhab ah)

(Qalinkii Weriye C/risaaq Yuusuf Cali "Terra"Email:terra-10@hotmail.com Tell:00252-63-4211904)

Waxa uu magaalada Muqdisho ku haystay Dugsi lagu barto Computerka, Waxa uu shaqo ka helay Madaxtooyada Villa Somalia dhinaca farsamada Computers ka, 23maalmood kolkii uu shaqadaas hayey, waxaa taleefan usoo Diray xarakada Alshabaab, "Waanu ognahay inaad ka shaqo gashay meesha lagu magcaabo madaxtooyada Mushaharkaaguna waa 1200 Doller, ma rabno dhiigaaga xun balse waxaanu ubaahanay inaad samayso laba arin oo keliya, mushaharka aad qaadanayso sadex meelood kolkaad u qaybiso laba qaado qaybta sadexaadna ku bixi Jihaadka, Tan labaad Xog kasta oo Computerada aad ka shaqaynayso soo gasha waa inaad soo Gudbisaa.

Waxa uu ugu jawaabay "waan ogolahay lakin Lacagta jihaadka sidee adiinku keena, ilayn madaxtooyada inta badan kama soo bixi karee?"

Waxay ku yiraahdeen"Taasi dhib maleh Xafiiska khasnajiga Madaxtooyadu marka uu lacagta Mushaharkaaga kuu Dhiibo Qaybta jihaadkana isla khasnajiga u dhiib"

Bishii way dhamaatay xafiiskii ayaan lacagtii 7dii fiidnimo kasoo qaatay waxba uma dhiibine waan iska soo baxay, Iridka kolkaan dhaafay ayaa waxaa iga soo daba kacay khasnajigii waana ii yeedhay waan u tegay,   kadib waxaanu wada galay xafiiskii waxaanu igu yidhi "Saaxiib wax aad ilowday lacagtii jihaadka midna waan kuu sheegayaa ee maqal, Dawlad iyo Shabaab mid saxa ma naqaano ee naftaada iyo tayda taladooda aynu garano" 4boqol ayaan deg deg ugu dhiibay, tani waa sababta aan iminka usii Tahriibayo". Ayuu yidhi.

Awooda Shabaab Darajada intaale'eeg weliba waa ay kasii saraysaa.

Dhinaca kale Ciidamada ajaanibka ah ee ku sugan Magaalooyinka Kismaayo, Muqdisho iyo Baydhabo Talada rasmiga ah iyaga ayey ka Go'daa Dhamaanba madaxda Xukuumaduna waa ay ka amar qaataan, Raysal wasaaraha Somalia tusaale ahaan Subaxii kolka uu doonayo inuu soo shaqo tago, waa in loo Gudbiyaa Xafiiska Amisom hadii ay Ogolaadaan soo bixida raysal wasaare saacid waa soo baxayaa hadii ay amraan inaanu soo shaqo tegina Saacid masoo bixi karo.

Sadex nin ayaa ilaa iyo haatan inta la og yahay hormuud u ah Duulaanka Shisheeyaha Muqdisho, Kismaayo iyo Baydhabo ayey ku kala nool yihiin Mid kasta waraysi ayaan la yeeshay waanan la kulmay .

Daruur yahay walhanaysaa

Hogol yahay Daroortiyo

Di'itaanka maagani

Dalkan maanad arag

Hoos ba maad usoo dayin

Oo maanad daalacan

Gugii aan filaynee

Dadweynuhu u sarakacay

Danab faaruquu Siday

Dirirkii ka daba yimi

Kaliishiyo Diraacdii

Tifiqdiiba loo diid

Dabaylaha xagaaguna

Weli way durduriyaan

Dulaan shisheeyiyo

Darxumaa  usii dheer

Dibindaabyo weeye

Dawladi kamay dhalan.

"Ma'ihi Abwaan ama hal abuur ku Caan baxay Curuntiyo afmaalnimo" balse maqaalkaa ila maray halkaa.

Xiligu waa Arooryo hore waxaa weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta Qaybaheeda kala duwan ee magaalada muqdisho looga wada yeedhay Taliska Ciidamada Amisom ee Xerada "Xalane".

Kadinka laga galo si'adag ayaa  naloogu baadhay , Irida waxaa sawiradooda oo aad u waaweyn lagu dhejiyey Hogaamiyeyaasha Xarakada Alshabaab halkaas kolkii aanu ka Gudubnay waxaan Galay Meel aan Cidina aamini Karin inay ku taalo muqdisho ama ay kamid tahay, Dhul ahaan waa 10 ilaa 12km oo iskuweera, waxaa indhahaagu qabanayaan Wadooyin si heer Caalami ah loo dhisay oo ay Dul marayaan Baabuur yar yar oo qaali ah kuwaaso ay wataan dad Cadaan ah, hore kolkaan usii soconay oo aanan weli gaadhin xafiiska afhayeenka Amisom oo ah halka na looga yeedhay waxaan kaloo indhahaygu qabteen Dad Cadaan ah oo aad utiro badan oo rag iyo Dumarba leh kuwaaso koox koox u wada socda, Dukaamo iyo Goobo Cafferia ah ayaa ku dhex yaala Qof madow ah oo aan ahayn askarta African ka ah maan arag.

2- Lix askari ayaa nala socda kuwaaso aad u feejigan si taxadir leh ula socda dhamaan dhaqdhaqaaqayaga way adag tahay in qof qudha oo naga mid ahi uu isku dayo inuu wax sawir ah qaado waa nalooga sii digay Cabsi xooganina way jirtaa in lagu toogto waxaa kasii fudud in lagugu shaambadeeyo inaad alshabaab kamid tahay sidaa awgeed qof waliba si xoogan ayuu isu ilaalinayaa. Waxaanu soo gaadhnay halkii naloo waday oo ahayd Xafiiska afhayeenka Amisom Cornel Ali Aadan Xumad.

Lasoco-------------

No comments: