22 June, 2013

Baro Maggacyadda Maafiyadda Hargeysa: By Khaliif Raage



Baro Maggacyadda Maafiyadda Hargeysa: By Khaliif Raage


Seddex sanno ee uggu dambeeyey xaafaddaha iyo degmooyinka waxa ka sii darayay ammaanka Magaallada Hargeysa. Heerka nabadgalyadda Caasimaddu waxa dayacay ciidamadda ammaanka guud loo xilsaaray kaddib markay ka adkaan waayeen wiilal shufto ah oo maggacyo jaan la baxay. Shanta Degmo ee Hargeysa ka kooban tahay sidda Axmed Dhaggax, Gacan Libaax, 26 June, Maxamuud Haybe, iyo Koodbuur waxa ka hawlgalla wiillal ku mammay Hantidda Ummadda kuwaas oo iyaga oo isku faanaya isugu yeedha magacyaddo sanku-neefluhu markuu maqlo amma arko wixii aggab iyo lacag ah ee uu sito horay ka dhiibaya si uu naftiisa u badbaadiyo. Maggacyadaas waxa ka mid ah Duufaan, Muqumadda, Dembiilayaasha, Mannaxayaasha, Aldubaab, Jayniiska, Jin iyo Jaan, iyo qaar kalloo badan.

Somaliland waxa laggu wadda jooga waa nabbad iyo maxaad sheegtay. Bes, nabadsiibdarose nabadii waxa shaasheeyay wiilashan magacyada jinka iyo jaanka la baxay, kaddib markii Ciiddamada Booliiska Somaliland kaalintii kagga aaddanaa dayaceen. Da’da wiilashan maafiyada ah kama weyna 14-21 jir, waxayna habeennadii hawlgallo shacabka ku baadhanayaan ka waddaan luuq-luuqyada iyo meelaha mugdiga ah ee xaafadaha iyo degmooyinka Hargeysa ka tirsan. Dhalinyaraddan maggacyada argagaxa leh la baxday awal habbeenkii ayay shacabka u geystaan dhac-boob-kufsi balse xaalku siddii hore hadda maaha oo dharaar cad bay hawlgaladdoodaasi u xuubsiibteen. Ciiddamada amniga Somaliland wax-ka-qabadka shuftan hantida dadka dhacaya way ka gaabiyeen innay sharci addag kagga qabtaan. iska dhaaf innay gacan bir ah waxa kagga qabtaanne, shuftadda laggu soo xidho saldhigyada booliiska Hargeysa damaanad iyo waxaan la garanayn ayaa laggu sii daayaa.

Shuftadda camirtay xaafadaha iyo degmooyinka Hargeysa waxay ku hubaysan yihiin aalladdo sanku-neefluhu marka uu dhaayaha indhaha saaro tin illaa cidhib cabsi ku abbuuraya, maxaa yeellay hubka ay ku jeeriqaaran yihiin inta muuqata waxa ka mid ah Mindiyo, Faashash, Baangaddo, IWM. Aalladdahan sumaysan waxay isugu jiraan qaar afaysan iyo kuwo aan aafaysanayn oo iskacaraab ahaan dhaxalku ka daadannayo.

Maafiyaddan hantida ummadda ku mamtay shacabka ay baadhaan waxay isugu jirraan dadka socotada iyo martidda ah kuwaas oo xaafaddaha iyo degmooyinka Hargeysa isaga goosha. Wakhtiyada ay shacabka Somaliland dhaca u geystaana waa xiliyadda shacabku shaqooyinkoodii maalmeed ka soo caraabayaan, guryahoodiina ku soo laabanayaan. Amnidarada Hargeysa waxa ka dhashay innay dadku hub dawladda Somaliland ka sharci-garaysan qaataan, naf iyo maalba isku difaacaan kaddib markii doorkii ciidamada Booliisku mugdi galay.

Shuftadda maggacyada jaan la baxday, waxay dadka socota iyo martida dhici jirreen xiliyada habeenkii gaar ahaan meellaha mugdiga balse sannadkan 2013 hawlgaladoodii habeenimo waxay u beddelleen dharaar cad, iyaddoo hantida shuftadani shacabka Somaliland ay xoog ugga dhacaan ay kala yihiin: Moobillada oo ay uggu jecel yihiin, labtoobyada (Kombuyuutarada Gacanta), dahabka iyo lacagta; halka qaarkoodna koox ahaan u samaysan yihiin duullaan ay ku qaaddaan guryaha qoysasku deggen yihiin iyaggoo cagta mariyaa dad iyo duunyo wixii ku nool. Xattaa aggabka gurigga yaalla way burburiyaan.

Wiishan maafiyadda ahi aggabkaas ay soo dhacaan waxay qiimo jaban kagga iibiyaan nimman shuraako hoose ku yihiin baadhashada dadka kuwaas oo iyanna qiimo aan kii hore dhaamin dad gaar ah dib ugga sii gadda. mallaha goobo cayiman oo gannacsiga tuugnimada ah ku iibiyaan balse waxay leeyihiin suuq maddow oo hadba meel u guur-guura.

Maafiyaddani wakhtiyada ay dadka dhacaan haddii ay gacanta uggu dhiggaan, wixii ay rabeena kaa waayaan, way addag tahay sidaad ugga badbaado maxaa yeelay way ku garaacayaan illaa ay ku dilaan, iyaggoo ku odhannaya “maxaad moobil u qaadan wayday”.

Khaliif Raage

Amiirkhaliif@hotmail.com
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: