19 June, 2013

Masar Iyo Ethiopia Oo Heshiis Ka Gaadhay Xiisada Biyo-Xidheenka Ethiopia Ka Dhisayso Blue Nile-Ka

Masar Iyo Ethiopia Oo Heshiis Ka Gaadhay Xiisada Biyo-Xidheenka Ethiopia Ka Dhisayso Blue Nile-Ka

“Waxa Aanu Ku Heshiinay Inaanu Bilawno Tashiyo Degdeg Ah Oo Labada Dhinac Ay Ku Yeelanayaan Kulamo Heer Farsamo Iyo Siyaasadeedba Ah” Wariirka Khaarajiga Masar, Maxamed Kamal

Addis Ababa, June 19, 2013 (Haatuf) - Ethiopia iyo Masar ayaa waxa ay isku waafaqeen inay sii wadaan wada hadalo ku saabsaan saamaynta uu yeelan karo Biyo xidheenka Ethiopia ka dhisayso webiga Blue Nile-ka si dhulka loo dhigo xiisada labada dal ka dhex oogan ee ku saabsan sidii loo qaybsan lahaa biyahaasi. “Waxa aanu isku waafaqnay in aanu bilawno tashiyo degdeg ah oo labada dhinac ay ka yeelanayaan kulano heer farsamo iyo siyaasadeedba ah” sidaasi waxa yidhi Wariirka arrimaha dibada ee dalka Masar Maxamed Kamal Amr mar uu warbaahinta kula hadlayey Addis Ababa oo uu kulan kula yeeshay dhigiisa Ethiopia Tedros Adhanom. 

Madaxweynaha dalka Masar Mohamed Morsi ayaa isagu hore u sheegay in kala doorashadu ay furan tahay, maxaa yeeshalay dhismaha Biyo-xidheenku waxa uu kuseeyaa saamaynta uu ku yeelanayo socodka biyaha. Balse labada Wasiir ee Amr iyo Tedros ayaa sheegay in xidhiidhka labada dal ee walaaltinimadu ay sii jiri doonto, isla markaana ay sii wadi doonaan inay xal u helaan wixii saamayn xun ah ee uu Biyo-xidheenku keenayo. Ugu dambayntiina waxa ay labada wasiir ay war murtiyeed ku sheegeen inay sii wadi doonaan wada xaajoodka iyo xidhiidhka ka dhexeeya labadooda si xal kama dambays ah looga gaadho. 

Waxaana dad arrintan u dhuun daloolaa ay tilmaamayaan in Ethiopia ay wadi doonto Mashruucan maadaama oo ay xaq u leedahay, balse aad loo darsi doono wixii dhibaato ah ee uu ku keenayo dalka Masar oo isagu aad ugu tiirsan biyaha wabiga Blue Nile-ka oo aad uga cabsi qaba in biyo xidheenkaasi uu yareeyo heerka biyaha Masar soo gaadha.
http://samotalis.blogspot.com/

No comments: