01 June, 2013

Maayar Ku Xigeenka Iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka caasimada oo sheegay In Xayiradii Wasiir Xaabsade Ee Dhulkii Danta Guud Ee Ay Bixiyeen Uu Yahay Waxba Kama Jiraaan

Maayar Ku Xigeenka Iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka caasimada oo sheegay In Xayiradii Wasiir Xaabsade Ee Dhulkii Danta Guud Ee Ay Bixiyeen Uu Yahay Waxba Kama Jiraaan
"Wasiirka Hawlaha Guud Waxa Uu Xaq U Leeyahay In Uu Maamulo ,Dhulka Ay Dawlada Dhexe Leedahay " Maayar Ku Xigeenka Caasimada.............

Hargeysa (GNS)Maayer ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsangolaha deegaanka caasimada hargeysa ayaa manta shir-jaraa,id ku qabtay xarunta dawlada hoose ee Hargeysa, ayaa si kulul uga jawaabay xayiraad uu ku soo rogay dhul danguud ah oo ay dawlada hoose bixisay oo uu wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyayntu Axmed Cabdi Xaabsade xayiraad ku soo rogay, taas oo ay isku mari la'yihiin wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Golaha deegaanku, cida sharcigu u siinayo in ay bixiso dhulka danta guud ah, isla markaana wasiirku markii ay dawlada hoose bixisay dhulkan oo ku yaala xaafada maxamed Mooge uu xayiray, isaga oo ku eedeeyay wasiirku in uu dhulkaa qayb ka mid ah uu maayir ku xigeenka caasimadu cabdicasiis cagawayne uu ka iibiyey shirkadda dhismaha ee Daryeel Construction company, balse uu maanta maayir ku xigeenku u riixay dhulkaa in uu hore u bixiyey maamulkii hore ee Eng.Jiciir. 

Maayir ku xigenka iyo xidhibaanada dawlada hoose ee shirkan jaraa,id qabtay maanta waxa ay sheegeen in ay xaq u leeyihiin dhulkan in ay bixiyaan waxa uu yidhi isagoo maayir ku xigeenku ka hadlaya"wasiirku waxa uu xaq u leeyahay in uu maamulo dhulka ay leedahay dawlada dhexe, waxa uu wasiirku masuul ka yahay dhulka layidhaahdo shacabka ee ay ku yaalan xafiisyada dawladu(sha'ab area)" ayuu yidhi maayir ku xigeenku. 

Murankan kulul ee soo kala dhexgalay dawlada hoose ee ku wajahan cida uu sharcigu u banaynayo dawlada hoose iyo wasaradda Hawlaha guud in ay bixiso dhulka danguud ah, wuxuuna khilaaf kani soo bandhigayaa siro ay labadan garab isla ogaayeen, ayadoo maayirku xigeenkii iyo xildhibaanadii shirkan jaraa'id ka hadlay ay sheegeen in uu wasiirku dhulbadan iibiyay taas oo ah fadeexad iyo siro bulshada ka qarsoon oo soo ifbaxaya. 

Si kastaba ha ahaatee murankan u dhexeeya wasarada hawlaha guud iyo madaxda dawlada hoose ayaa cirka isku sii shareeraya, iyadoo aanay ilaa hada wax hadal ahi ka soo bixin dhinaca dawlada dhexe, balse dadka u dhuun daloola dhinaca sharciga ayaa tilmamaya in ay wasarada Hawlaha guud sharci ahaan ay ayadu xaq u leedahay awooda bixinta dhulka danta guud. 
Gabiley Desk news 
contactgabiley@yahoo.com 
Hargeysa office
--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: