Xulka Maansada iyo Xuska Abwaanka Abwaan Cabdi Aadan Xaad (Cabdi Qays).
Abwaankii dalkaygoow abwaankii dadkaygoow
Kii dantiisa gaarka ah danta guud ka doortee
Dulmanaha u qayshoow dumarkiyo caruurtiyo
Danyartiyo sabookana qareenkii u doodee
Soomaalida daraadeed xaq u doonistoodii
Dameerka loola xidhayoow sheekadii dalxiiskee
Duniduba la yaabtiiyo duro waayaheedoow
Siinleey daahfurkeedoow diiwanka dhaqankoow
Deelleey aabaheedoow dadnimo iyo aqoonoow
Doodaa waxgaradoow Daljir iyo darwiishoow
Samaan dooniihiiyoow Xumaan diidihiiyoow
Daladii abwaankoow Qaysoow dabuub gabay
Daayin baa ku barayoo Aniguna ku dayashada
Aabo dabagalkaagiyo dadaalkiyo qoraalkiyo
Deeleey ku keenoo Dardaarakaagii fuliyoo
danab Cabdi Aadan Qaysoow Dareen ma i maqleysaa
Abwaan Siciid Sh. (Ilka Jiir)
Waa habeen tilmaan gaar ah leh.Waa habeen muuqaal gudcur noqoshadiisu wanaagsaneyd. Dayaxa ayaa u muuqda inuu afar iyo tobnaad ku siqayo.Wajiyada maxbuuska ku xeerani way shaqlan yihiin.Maxbuuska soo qaada oo gaadhiga saara ayaa askarta amar lagu siinayaa. Dhinaca xeebta ayuu gaadhigii afka saarey.Indhaha maxbuusku way dahaadhan yihiin,laba diglena wuu u xidhan yahay. Hase yeeshee la haystahani wuu garanayaa halka loo wado, oo dareen fiican buu ka qabaa.Quraan iyo Xadiis kuma damqadaan ee caawa maanso ma ku eegaa iyo waa dad ay dadnimadu ka guurtee intay daalayaan u dulqaado ayuu maxbuusku naftiisa kula gogortamayay.
Baddu way caariday, dhulkii biyuhu ka dideena wali waa sii qoyan yihiin.Neecaw naruuro u leh qof nasasho u yimid ayaa walhaneysay.Soo deji maxbuuska iyo qubtiyo qacda isdabajoog ugu dhacey maxbuuska ayeyna waxba u dhaxeyn.Dhinaca bidix jug xoog leh ayaa kaga dhacdey oo dhinac u tuurtay maxbuuska.Ku soo toosi ayuu askarigii kale soo jeediyey.Xanuunka ayaa tamar la'aan maxbuuska dhulka dhigay,daalse wali kama muuqdo aydii jidh-dilka u carbisnayd. Maxbuuskii oo kor u qaylinaaya ayaa ku dhawaaqey:
Diintiyo Quraankoon U dadaalo mooyee
Dalka iyo dadkayga midna Danbi kamaan galin
Daacadiyo miskiinkaa Darayeysan baan ahey
Danbi aanan galin iyo Hadaad igu dishaan tuhun
Dalaalkayga aakhiriyo Dumadiina weeyaan
Anna nabaro darán iyo Doog ha igu reebina
Idinkuna dariiqa iyo Dawga ha igu seegina
Caruurtinana dacar iyo Dulmi ha u shaqaynina
Hadaad diido taladaa Alla waa ina dayayaa
Ma degdeggo sideena Waa boqor dulqaad badan
Dadka wuxuu la sugayaa Maalin aan la doodayn
Dafiraad soconayn Qofna darajiyo magac
Ciddi kaga danbeynayn Qiyaamaha dushiisuu
Dacwadeena furayaa
Kaalayoo i qasha (isagoo kor u qaylinaya)
Gabalkii dhacaba filasho waa subax arooryaad.Cadceedu sidaa uma kulula inkastoo dhul xeebeed la joogo.Barqadii laga tag,xilli qadadiina wali lama gaadhin. Ina Cali Samater ayaa si raaxo leh u dhex hawaara xafiis si fiican loogu qurxiyey cashuurtii laga qaadey garab-raratada. Kursiga ayaa kolba dhan ula liicaya, dhaqaaqna wuu weheliyaa marmarka qaarkood. Xoghaynta xafiiska ayaa ku soo wargalisay in uu yimid qofkii uu balanta la lahaa.Soo fadhiiso iyo maxaad cabi ayuu Ina Cali Samater is raaciyey. Hase yeeshee kulanku quud raadis ka fog. Maanso aan sameeyey ayaan kula wadaagayaayee dhageyso ayaa dhagihii Ina Cali Samater weerar ku qaadey ay ku baraarugeen. Maansadii oo xidhiidhsan,fariin culusna wada ayaa sida duufaan roobaad isu qabsatey.Gabagabadii maansada ayaa erayadani dhexmareen:
Soo gale :-Dawladdan aad ra'iisal wasaaraha ka tahay dameer baa u xidhan!!!!!
Ina Cali Samater : Waligaa kolna ma waalatey ?
Soo gale : Iminkaaban waalanahay….!!!!
Akhriste ila garatey maxbuuskaa iyo daadihiyaha maansadaa duufaanka ahba inuu yahay abwaanka Cabdi Aadan Xaad "Cabdi Qays".
"Xabaalo Amaan" waa tilmaan aan wanaagsaneyn oo wehel inoo noqotay.Si arintaa wax looga qabto ayaa Mareegta Farshaxan waxaa hawlgalkeeda ka mid noqday wax ka sheega dadka mudan ee bulshada reer Soomaaliland kana qayb qaatey halgankii ummada. Dhinacyo badan ayaa halgankaa looga qayb qaatey sida adeegsiga aqoonta, maansada, qoriga ,iwm.Qoraalkani wuxuu xusid u yahay halgankii Abwaan Cabdi Aadan Xaad "Cabdi Qays" uu u soo galay bulshada reer Soomaaliland si loo saxo gefkii la galay 1960 ee xoriyadii ummadu si fudud faraha uga baxdey.
Abwaan Cabdi Qays horaantii lixdameeyadii dhawr heesood ayuu tiriyey.Hase yeeshee waxaa fankiisa bud dhig u ah ruwaayada uu sameeyey 1966 walaalkii Cabdilaahi Qarbooshe. Ruwaayaada Cabdi Qays wuxuu ku jilayey magaca Qays. " Magaaladan Jabuuti ayaa magaca ii bixisay oo waxay ka soo qaateen ruwaayadii ayaan ku jilayey magaca Qays." Ayuu Cabdi Qays yidhi mar la waydiiyey siduu magacu ugu baxey. Ruwaayadaasi waxay ka duulaysay sheekadii ku caana maashey hanoqaadka jaceylka ee Qays iyo Layla. Waxaana la jilaysey hobolada qaaliga ah ee hooyo Aamina Cabdilaahi oo mar u dhaxdey abwaanka.
Dawladii rayidka aheyd ee xilligan ka talinaysay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ayaa waxaa rakaadiyey musuqmaasuq ku salaysan qablaayad aan lala gaban.Waxaa xilligan hogaanka u hayey Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ( Ina Catooshe).Intaanu xilka ra'iisal wasaaraha gacanta ku dhigin wuxuu hayey xilka wasiirka arimaha gudaha.Xilkan ayaana u suurtogaliyey inuu markii danbe si fudud musuqmaasuq ku salaysan qabyaalada ku faafiyo dalkoo dhan.Wuxuu hayey xilka ra'iisal wasaaranimada mudadii u dhaxeysay 14 Juun 1964 ilaa 15 Luulyo 1967.Maalintii laga helay ee uu samaystay Ina Catooshe ururkii mucaaridka ahaa waxaa laga hayaa inuu ku khudbadeeyey "ciidamadda qaranku maxay sugayaan may wadanka ka badbaadiyaan tre capuchino" .Erayga "tre cappuchino" wuxuu ahaa eray loogu yeedhi jiray Cabdirashiid Cali sharmaarke(IHUN),Yaasiin Nuur Bidde (IHUN), iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal(IHUN),.
Xilligaa ayuu Cabdi Qays sameeyey ruwaayadiisii ugu horeysay.Waxay ka warameysay dhibta taagan dalka iyo musuqa xadhkaha goostay ee bulshadii ku noqday cudur aan laga dawoobin. Wuxuu Cabdi Qays xal u raadiyey bulshadii tabaaleysnayd,go'aana ku gaadhey in dhulka Ilaahay loo foof tago.Waa mid ka mid Tahriibyadii ay dadka reer Soomaaliland dibada ugu jarmaadeen.Waxaana ku jirtay ruwaayadaa maanso qiimo leh oo si toos ah dal ku gal (Visa) ugu fidinaysey bulshadii, malaha waa dal ka dhoofkii(Tahriibkii) ugu horeeyey ee ka yimaada dawlad xummo la hantay.Wuxuu abwaanku yidhi:
Inta uu dalkaygii dacar iyo gadhoodh yahay
Dahab la gaadhinee dantii ay abaar tahay
Dagalada shisheeyaha looga doono baahida
Didibkiyo buulkiyo daalka dhawran maayoo
Dugsan maayee ciilkee dibadahaan u kacayaa
Hase yeeshee gu'gii 1969 ayaa koox milatari ahí dalkii qabsadeen.Dad badani xilligaa dawladaa way soo dhaweeyeen.Qaar waxay ku soo dhaweeyeen mabda'ii Hantiwadaaga ee ay qaadatey, qaar waxay ku soo dhaweeyeen wax qabad oo ay ku baaqdey, qaar waxay ku soo dhaweeyeen qabyaalada oo ummada dhibtay ayaa la aasayaa, qaar waxay ku soo dhaweeyeen maamulkii rayidka ahaa oo laga quustay, iwm.Iyaba waa arin xusid iyo mudnaanba lehee dadkaa wada riyaaqay qaar baa ay u aheyd murugo iyo ciil. Waxaa kooxdan danbe ka mid ahaa Abwaan Cabdi Aadan Qays oo markiiba ka booday dhalashada dawladaa Milatariga ah. "Dawladaasi markay dhalatey dadku way soo dhaweeyeen, laakiin aniga wuxuun baa ii diiday oo markaaba waxaan arkay inaan barwaaqo halkaa ka soo socon,si kale maahee jinkaygaa ii diiday" ayuu yidhi Cabdi Qays oo ka hadlaya waxay isaga iyo dawladaasi isula jaanqaadi waayeen.
Arintaasi waxaa cadeynaysa marag ma doona ka dhigaysa marka dib loo jaleeco maasooyinkii uu xilligaa tiriyey.Maansadiisii "Sahdanbena maxay noqon"waxay si qurux badan oo qayaxan u sheegaysaa inuu sagaalkii gu' ee rayidka sugayey inay dawlad dhulka wax ka qabataa dhalan doonto tanise maaha tii uu sugayey, waxaanu maansadaasi ku yidhi:
Sasabada naftaydaay
Janadaad ku sooryeeyn
waa sagaal gu' iyo subax
intii aan ku sugayee
haddana isa seegnayee
Anuun baa samraayee
Sidaan kugu arkaayaana
Samo kaama filayee
ku sugayeee Allahayoow
Sahdanbena maxay noqon
Waxaa la yaab leh inaanu arintaa qarin Abwaan Cabdi Qays.Ku dhawaad siddeed sannadood ka dib ayaa Cabdi Qays oo xidhani maanso jeelka dhexdiisa uga diray hogaankii xilligaa oo iskugu yeedhi jiray "Aabaha ummada".Waxaa maansadaa erayadeeda ka mid ahaa:
Indheer-garato arla durugsan bay, awr u rarataaye
Markaad aabbahayow samaha, ololaynaysay
Orodkii ma raacine dib baan, aw u soo idhiye
Abwaanku wuu xidhan yahay.Jeelka garaacis iyo hantigaadba kala kulan,haddana wuxuu u badheedhayaa abwaanku inuu muujiyo dareenkiisa dhabta ah,manuuna u dirin hogaankii dalka Ina Siyaad Barre hees kacaan ah sida dhici jirtay.
La soco qaybaha kale…..
Codsi:
Haddii aad hayso maansooyin, warbixin dheeraada, talooyin, tusaale iyo tilmaanba ku soo hagaaji Somaliland@farshaxan.com.............
Qalinkii iyo Tifatirkii:
Fu,aad Sheekh
Bahda Mareegaha Farshaxan
www.farshaxan.com iyo www.farshaxan.org
--
Sent via http://goo.gl/ShmGM
Waa habeen tilmaan gaar ah leh.Waa habeen muuqaal gudcur noqoshadiisu wanaagsaneyd........

No comments:
Post a Comment