19 June, 2013

Laamaha UK ee Kulmiye oo Kulan soo dhaweyn ah ku qaabilay Guddoomiye kuxigeenka Xisbigooda

Laamaha UK ee Kulmiye oo Kulan soo dhaweyn ah ku qaabilay Guddoomiye kuxigeenka Xisbigooda

London, (Somaliland.Org)- Shir ay soo agaasintay laanta waqooyiga London ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, isla markaana ay u qabatay gudoomiye ku-xigeegnka koowaad ee xisbigaas Maxamed Kaahin Axmed ayaa ka qabsoomay London.
Waxa sidoo kale shirka ka qayb galay Guddida Fulinta ee Xisbiga Kulmiye ee Ingiriiska iyo dhamaan laamaha uu ku leeyahay xisbigu dalkaas.
Ugu horeyn waxa shirka furay guddoomiyaha laanta Waqooyiga London ee Xisbiga Kulmiye Cabdilaaha Cige oo ku soo dhaweeyay martida xarunta shirka, waxa kale oo uu ka waramay qaabka ay laantu u shaqayso , sidoo kale waxa isna ka hadlay shirka Guddoomiyeyaasha laamaha kale e Xisbigu ku leeyahay London iyo dhamaan Ingiriiska.
Waxa khudbado dardaaran iyo dhiirigelin ah ka jeediyay odayaasha mus-dambeedka Xisbigu oo kala ahaa Faarax Xasan Jagac iyo Xasan Cali Wayd oo ku dheeraaday taariikhda xisbiga iyo horumarka la taaban karo ee uu ku talaabsaday.
Guddoomiyaha guddida fulinta ee Ingiriiska Xariir Xirsi Aadan oo khudbada dhinacyo badan taabanaysa oo u badan warbixino iyo qaabka uu xisbigu uga hawgalo dalkaas siiyay Guddoomiye ku-xigeenka iyo madaxdii kale ee madasha fadhiday iyo waxyaabaha ay hiigsanayaan mustaqbalka dhaw, waxaanu ku soo dhaweeyay La-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee Madaxwayna Axmed Carwo oo ka war bixiyay dhaqaalaha wadanka halkii ay ugu yimaadeen iyo halka uu maanta marayo iyo waliba himilada ay Xukuumaddu leedahay mustaqbalka dhaw iyo ka fogba.
Lataliyaha Xidhiidhka Goleyaasha ee Madaxwaynaha Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo isagu goobta ka hadlay ayaa ka warbixiyay arrimaha siyaasadda gudaha iyo dibadaba, xidhiidhada ka dhexeeya Xukuumadda iyo Goleyaasha sharci dejinta.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed ayaa isaguna khudbad dheer oo dadkii dhagaysanay aad iyo aad u soo jiidatay ka jeediyay madasha, waxa uu ka sheekeeyay aas-aaskii xisbiga , doorashooyinkii uu soo maray iyo sida uu mar walba ay taageerayaashiisu sare ugu sii kacayeen, waxa uu sheegay in si xarogo leh ay tii dhawayd ee Dawladda Hoose ay Xisbinimo ugu soo gudbeen, iyagoo ahaa Xisbiga keliye ee 20% ka helay doorashadaasi. waxa uu ka waramay waxqabadka ay xukuumaddu gaadhay ee arrimaha bulshada sida Caafimadka , Waxbarashada iyo Biyaha oo uu sheegay in meel lagu farxo la soo gaadhsiiyay.
Gabagabadii waxa uu hoosta ka xariiqay in xisbiga Kulmiye yahay dimuqraadi, loona siman yahay tartankiisa mid hore ugu jiray iyo mid ku soo biiraba in Kulmiye lawada yahay, isla markaan 25/12/2013 la qaban doono shirweynihii Xisbiga.
Somaliland.Org/Hargeysa

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: