18 June, 2013

Haatufka Maanta 17 Jun 2013

Haatufka Maanta
Waxa la yidhi Adhi shaw shugux-shugux kama ilbaxo. Adeer kuwan CID-du saw mar uun ma kala bartaan xeerka madaniga ah (Civil Law) ee saxaafada lagu xukumo iyo xeerka ciqaabta (Criminal Law/Penal Code) ee faldambiyeedyada culculus ee u qalma lagu qaado sida Dilalka, Kufsiga, Dhaca iyo iwm. Sawtii inbadan aanu ugu celcelinay in saxaafadu ay leedahay xeer u gaar ah oo madani ah oo gafafka ay gasho loo cuskado.

CID-du miyaanay ahayn laanta Bileyska u qaabilsan baadhista faldambiyeedyada ee marka magaceeda Af-Ingiriisiga lagu sheego la yidhaa Criminal Investigation Department? Waxa saxaafada iyo CID-da isku keenaaba miyaanu qalad ahayn? Laakiin maxaad CID-dan kaga daali. Waa nimanka ay safa dirays u yihiin Cali Qodaal iyo coll aan dhaamin. Waliba farsamo xukumo waxay ka qabaan sawtii ayaantii dhaweyd ay Ilmihii yaraa ee Ciyaala PEPSI-ga ahaa kusoo xidheen gabay yar oo uu u tiriyey. Mise xaalku waa Dhaga-dhagow dhab sii.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: