18 June, 2013

Ciidan Ka Tirsan CID-da Iyo Kaaliyaha Gaarka Ah Ee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Weerar Ku Soo Qaaday Xarunta Wargeyska Haatuf

Ciidan Ka Tirsan CID-da Iyo Kaaliyaha Gaarka Ah Ee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Weerar Ku Soo Qaaday Xarunta Wargeyska Haatuf


Hargeysa, June 17, 2013 (Haatuf) – Ciidamo ka tirsan CID-da oo uu hogaaminayo Sarkaal ka tirsan Ciidanka Dambi-baadhista Somaliland oo lagu magacaabo Cali Aadan (Cali Qodaal) iyo Kaaliyaha gaarka ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Hargeysa Mr Maxamed Maxamuud Xirsi (Guray Xirsi) ayaa shalay Weerar ku soo qaaday Xarunta Wargeyska Haatuf ee Magaaladda Hargeysa.Sidoo kale Saraakiisha Dambi-baadhista oo iyagu watey Ciidan Bileys ah, isla markaana ay dabada ka riixayaan kaaliyayaal uu ka mid yahay Kaaliyaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Maxkamadda Maxamed Maxamuud Xirsi (Guray Xirsi), kuwaas oo iyagu baabuurkii ay Ciidanku wateen kaga gabanayey dadka iyo Suxufiyiinta goobtaas iskugu soo baxay.

Ciidankan iyo kaaliyayaashan isku soo xulufaystay Weerarkaas ayaan iyagu wadanin wax Waaran Maxkamadeed oo u fasaxaya inay galaan xarunta Wargeyska Haatuf, kuwaas oo halkaas gacanta ku saaray Suxufi ka hawlgala Wargeyska oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Xasan Budul, kaas oo ay markii hore khasab inay ku kaxeeyaan ay isku dayeen ka dibna markii uu waydiiyey sababta loo kaxaynayo iyo waxay ka rabaan ayaa Cali Qodaal oo Ciidankaas hogaaminayey uu ku wargaliyey in xarunta CID-da loogu sheegi doono waxa laga doonayo iyo sababta loogu kaxaynayo Waaran la’aan.Dhinac kale Ciidanka galay shalay Xarunta Wargayska Haatuf ayaa markii hore isku dayey inay khasab ku kaxeeyaan Suxufigaas oo aan ahayn Tifaftire iyo Guddoomiye midna balse isagu ah Wariye goobtaas ay kula kulmeen ka dibna markii ay isku dayeen inay xoog ku kaxeeyaan ayaa waxa goobtaas ku soo gaadhay dadwayne buuqa ku soo baydhay iyo Suxufiyiin kale oo Ciidankii u sheegay inay talaabada ay qaadayaan ay sharciga baal-marsan tahay.

Isku soo wada duuboo inkastoo Ciidankani ay xoog ku galeen Xarunta Wargeysku iyo kaaliyayaashoodu aanay sheegin sababta ay hawlgalkaas sharciga baalmarsan u qaadeen ayaa hadana dhacdadaas lala xidhiidhinayaa inay ka dambaysay Maqaal uu shalay oo Isniin ahayd uu Wargeysku ka qoray Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/llaahi Ismaaciil (Faysal Dhaga-Dhago), Maqaalkaas oo Wargeyska Haatuf ku Falanqaynayey habdhaqamada aan sharciga waafaqsanayn ee Garsoorahaas uu kula kaco Saxaafada ilaa wakhtigii saddexda Suxufi ee Wargeyska Haatuf ka tirsanaa uu xukumay 2007-dii.Si kasta ha ahaatee weerarkan ay shalay Xarunta Haatuf ku galalafeen Ciidanka CID-du ayaa yimid maalmo kadib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa Faysal C/laahi (Dhaga-dhago) uu xayiraad ku soo rogay Wargeyska Hubaal.


http://samotalis.blogspot.com/

No comments: