18 June, 2013

Qaramada Midoobe Oo Gudbisay Liis Dheer Oo Ay Ku Qoran Yihiin Siyaasiyiinta Somaliya Oo Ku Sheegeen Inay Yihiin Qaswadayaal.


Qaramada Midoobe Oo Gudbisay Liis Dheer Oo Ay Ku Qoran Yihiin Siyaasiyiinta Somaliya Oo Ku Sheegeen Inay Yihiin Qaswadayaal.


Waa kuwama tolow siyaasiyiintani?..

Warar Hoose oo Laga Helayo Xafiisyada Cusub ee QM ayaa waxaa ay Sheegayaan in Liis Dheer oo dacwad ka dhan ah loo gudbiyay midawga yurub taasoo lagu qoray shaqsiyaad lagu sheegayo inay caqabad ku yihiin horumarka iyo horusocdka dawlada Somaliya. 

Madaxdaa dacwada laga dudbiyayna waxaa ka mida Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdi raxmaan Farole. 
Madaxwaynaha Maamulka Jubalnd ee lagu muran san yahay Axmed Madoobe. 
Prof.Gaandhi. 
Cumar Cabdirashiid Sharmaarake, iyo xubna kale. 

Wararka waxaa ay Sheegayaan in shaqsiyadkani ay carqalado ku hayaan Dowlada Soomaaliya. Waxayna ay u gudbisay QM iyo midowga Yurub si ay talaabo Beesha Caalamka uga qaado. 

Sida warar kale ay sheegayaan talaabooyinka la qaadayo ay qayb ka noqon doonto in xayiraad laga saaro dhinaca dhaqaalaha iyo safarada dalka dibadiisa ay ku tagayaan. 


Wararka waxa kale ay shegayaan in wakiilka cusub ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia Mr Nicholas Kay ka dalbaday QM iyo beesha Caalamka in tilaabo laga qaado ragan oo aan ogolayn in Soomaaliya ay lugaheeda isku taagto. 


USA

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: