18 June, 2013

DIMUQURAADIYAD:Dawlad masuul ah oo dadka matasha Q3



DIMUQURAADIYAD: Dawlad masuul ah oo dadka matasha Q3
Ahmed Arwo

Salaan iyo nabadi korkiina ha ahaato. Assalaamu calaykum wa raxmatullaah wa barakaatu.

Waa qormadii seddexaad ee geedi-socodka dimuquraadiyadda furan ee adduun weynaha. Ujeedada socdaalkeena taariikheed waa inaynu dhabadii la soo maray dib u qaadno, si aynu daawo ugu helno xanuunada aafeeyey nidaamka aynu indho la’aanta u qaadanay.

Habkii wakiilnimada looga baahnaa in lagu helo Gole si dhab ah u matala bulshada guud ee mihnad iyo degaan kala gedisan leh. Waxa la arkay dheelitir la'aanta ka jirta labada Gole ee barlamaan, ee dalkan Ingiris (UK) si gaar ah kan Guurtida (Lords), oo lagu abaal mariyey amiiradii dagaalka iyo reerihii boqortooyada ku xidhnaa iyo maal iyo dhul-qabeen xoogan. Kolka degaan loo eego waxa ay badi ka yimaadeen agagaarka caasimada London oo ah gobalada loo yaqaan Gobalada Koonfur Bari (South East Regions).

Doodo iyo qoraalo ay marwalba badhitaarayaan banaanbaxyo iyo dhagaxtuur,waxa garashadu keentay in doorashada la ballaadhiyo. Waxay se cajaladdu ku socotay tallaabo diin. Waxa la oggollaaday in codbixinta la siiyo ciddii dawladda cashuur siisa oo ah maalqabeenka iyo amiirada gobbalada, oo weliba ku kooban ragga 40tan jirka ah iyo waxii ka weyn. Waxa xigtay in lagu kordhiyo isla colkaas inta xaas leh.Xaqqa codbixintu waxuu soo maray heerarkaas oo muu ahayn mid mar qudha la siiyey muwaadiniinta oo dhan, sida dalkeena. Waxa in taas la helo loo soo maray dhib iyo dagaal af iyo addinba ah,  

Waxaa sii socotay dalabka xoogsatada iyo aqoon-yahanka. Waxa taasi keentay in la siiyo awoodda cod bixinta inta wax akhriyi karta ee rag ah. Iyadoo la leeyahay ninka aan wax akhriyini ma fahamsana ujeedada doorashada, codka la siiyaana waxuu dhalinayaa in ujeedada barlamaan danta guud u shaqeeya la waayo.Labada fikradood ee ah nin aan cashuur bixin iyo nin aan wax akhriyini ma heli karaan aqoon ay ku doortaan wakiil fiican, ayaa ahaa mid muddo shaqaysay oo weliba si cilmi ah looga dooday.

Fikirkaasi waxuu is bedelay markii aqoonyahano badan la tallaabo qaadeen xarakadii ka socotay France iyo USA iyadoo ay bilaabmeyn ururo siyaasadeed Political Clubs iyo xarakadii la dagaalanka Addonsiga Anti Slave Movement.

Dhinaca ragga qunyar socodka ah oo ka cabsi qabay in xoogsatada aan cilmi lahayni ay si xun awoodda ugu tagrifali doonaan,. Waxaana ka mid ahaa labada qoraa ee Blackstone iyo Burke oo qoray buuga Burk’s Works 1782. Waxuu Burke yidhi “….. distoor ka dhashay dhaqan, caado, fikrado, dareeno, dhacdooyin, akhlaaq, taariikh iyo maan-dood ay qarni ilaa qarni dadkeenu iska dhaxlaayey oo tijaabo nooc kasta soo martay, ma aha inaynu ku bedelno fakir rag debdedda ah iyo dhowr gudaha ihi keeneen oon tijaabo gelin..”. Waxuu duray dareenka ah nabadda iyo degnaanshaha England kaga duwaneyd Yurubta kale inay sal u thay nidaamkan aan loo sinnayn.

Taasi mey joojin dhawaaqii isbedel doonka. Waxa se ay noqotay in boqortooyadu lafteedu ay garatay in bedel loo baahanyahay ay maamuli karto. Waxa la oggollaaday in iyadoo la eegaayo habnolaleedka magaalooyinka waaweyn in qaarkood loo fidiyo doorashada wakiilo matala. Magaalooyinka waaweyn ee kacaankii wershadeentu ka socday sida Manchester, Birmingham iyo Sheffield looma fidin arrintan. Waxa la gartay in Liverpool iyo Leicester yihiin kuwo matali kara shaqaalaha wershadaha oo danta kuwan iyo kuwa laga tegay isku mid tahay.Sidoo kale waxa la garaty in Preston matasho magaalooyinka wershadaha cudbiga iyo dharka.

Sidoo kale waxa cod bixinta aqoonyahanka laga dhigay inuu xaq u yeesho laba cod, sidoo kale mihnadleyda oo cod gurigiisa ah iyo mid shaqadiisa ahba la siiyey.Mabda’ ay taasi ku dhisnayd waxa ay ahayd inaan fahamka nidaamka dawladeed loo sinnayn, isla markaasna aan dhibteeda iyo dheefta go’aankeeda loo sinneyn. Go’aan dawlo, wax yar ayuu ka taabanayaa danyarta u badan kuuli iyo beeraley, bal se hantiilaha meelo badan ayey ka taabanaysaa. Waxa la sii xoojiyey kaalinta jaamacadaha oo tiro go’an loo sarjaray, isla markaasna doorashada cidda matalaysa jaamacadaha loo daayey iyaga oo keliya.

Waxa la soo gaadhay xili isbeddel taam ah lagu sameeyo habka doorashada. Waxa taas lagu sidkay 1832 Parliamentary Reform Act taas oo kor u qaaday masuuliyadda la xisaabtanka dawladda oo loo xilsaaray Barlamaanka, iyo iyadoo ay bilaabantay in la yareeyo awodda Guurtida(Lords). Doorashadii 1831 waxa dadweynahu ku doorteen mabda ah in xilka wakiilada la xoojiyo, lana kordhiyo codbixinta muwaadinka. Waxaana aqlabiyad yeeshay wakiilada isbedel doonka ah.Taasina waxa ay rumeysay in rabitaanka dadweynahu yahay kan ka xoogga badan barlamaanka, isla markaasna waxa ay horseeday sharciyo dambe oo awoodii Guurtida yareeyay, kana dhigay golha Wakiilada kan xoogga sharcidejinta iyo la-xisaabtanka dawladda u xil saran.ay Wakiiladu ka awood badan yihiin Guurtida.

Waxa sanadkii 1832 loo arkay mid raadweyn ku yeeshay hawsha iyo habka loo doorto golaha wakiilada. Waxa ay fure u noqotay, in laga gudbo fikirkii ahaa in magaalo keliye matasho magaalooyin kale. Waxaana la soo bandhigay in muwaadinku qof ahaan ka qiimo badan yahay hanti amba maqaam uu hayo. Taas darteedna loo baahan yahay in muwaadin kastaa xaqa matalaadda uu gaar u leeyahay. Kolkii codbixinta inta badan la oggoladay iyadoo laga reebay dumarka, waxa xigtay in la dhaqangeliyo sharciga Tacliinta ee 1870, taas oo waajib lagaga dhigay dawladdu inay dadweynaha wax barto, si awoodda codbixineed iyo ka qayb galka maamulka dawladeed u noqdo mid tamar leh. Waayo nidaamkan dimuquraadiyada furani, waxa loo arkaa mid u baahan in dadweynaha nuxurka qarannimo iyo mas’uuliyadda dawladeed la baro, isla markaas ay noqdaan dar dawladda u yaqaan shaqaale ay iyagu qorteen, kugula xisaabtama hawsha ay u dirteen. Taasi waxay aad uga fogtay fikirka dadka aan aqoonta lahayn qabeen ee ahayd inay dawladdu dadka leedahay, oon marna diidmo iska daa la-xisaabtani, ayna meesha oolin.

Arrintanai waxay meesha ka saartay labaa codeentii ay haysteen aqoonyahanka iyo maalqabeenku, iyadoo la gaadhay heer la qiimeeyo xorriyadda qofka iyo madaxbanaanidiisa fikradeed oon ku xidhnayn qabiilka uu ka soo jeedo, iyo mihnadda uu ku xoogsado. Waxayna timid markii olole xoogan loo galay in dadweynaha wax la baro oo weliba xaqooda siyaasi iyo waajibaadkooda hagar la’aan loo iftiimiyey.

J.S.Mills oo ka mid aha aqoonyahanka marxalado badan la soo maray geedi socodka dimuquraadiyada, ayaa si cad u bayaamiyey in dooda ah inta isku shaqada haysaa waa isku fakir u beeniyey, isagoo daraasad weyn ku sameeyey afkaarta ay kala qabaan shaqaalaha isku mihnidda ahi. Buugiisa(Representative Government), waxuu ku caddeeyey in loo baahan yahay in la qadariyo qiimaha muwaadinka ruux ahaan, oo aad uga culus danta shakhsi ee dhaqaale. Waxuu yidhi, “……Dawladi waa tan dadkeeda ugu dadaasha horumarka nooc kasta ha ahaatee. Houmarna waxa ugu fiican nidaamka oggolaada in tirada ugu badan ee muwaadiniintu ka talo bixiyaan hawlaha qaranka si toos ah amba si dadban. Taasna waxa lagu gaadhayaa in codbixinta la siiyo si siman muwaadiniinta oo dhan.”

Inkasta oo Mr. Mills si xoog leh ugu dooday in haweenka la siiyo xaqa codbixinta sandakii 1867, mey noqon mid meel marta waxii ka horeeyey 1918, ka dib kacdoon qas iyo dilba lahaa oo haweenka iyo ururada bulshadu ku kaceen.

Mr. Mills isagoo arrintan ka hadlaaya waxuu yidhi, ” Ragga iyo dumarku waa isku mid, waxa keliya ee ay ku kale duwan yihiin waa abuurista jinsi oo keliya. Waa cadaalad darro cid walba u cad inaan dumarka la siin xaqa codbixinta. Muwaadiniinta jinsiga loo kala saaray waa dulmi iyo duudsi loo badheedhay. Bulsho kala badh dadkeedu dolman yahay horumar ma gaadhi karto.”

Haddaba bal maskaxdaada ku nasi halganka dheer ee xaqa cod bixinta loo soo maray, taas ag dhig kan bulshadeena.  Sideey se tahay fahamka dadweynaheenu u yaqaan shaqada barlamaanka iyo hawsha dawladda. Ma yihiin dar u arka dawladdu shaqaale iyaga u shaqeeye. Miyeyna waajib ahayn in garaadkooda siyaasi iyo aqoontooda nolaleed kor loo qaado.Weli ma maqasheen dood barlamaan oo reer hebel dano gaar ah oo ay leeyihiin lagu hayo. Maxaa inoo diidan inaan ummaddena jahliga ka saarno. Waxa cad in in badan oo inaga tirsani aqoon darrada dadweynaha inay ka fa’iideystaan si guracan, ooyna marna rabin in dadka dariiqa toosan loo tilmaamo. Waa se mid lama huraan ah. Oo haddii laga gaabiyo, waqtiga ayaa dadka tababari doona, oo maalinbaa iman indhaha dadweynahu furmi doonaan, oon  dantooda  laga laaluushi karin si ay u fuliyaan dan qof iska leeyahay. Aayaan darrada jirtaa waa wakiilo aan  garan mushaharka ay qaataan sida ay ku timid iyo cidda hawshan u dhiibatay.

Aynu noqono mucaa’rid iyoi muxaafidba dar wanaaga ku tartama, dar danta guud ilaaliya, iyo qaar aan aqoon darrada iyo jileeca dadkeena ka danneysan. Aynu ogaano inaynu Islaam nahay, xisaabta aakhirna ina sugeyso. Illaahay hayna tuse xaqqa, haynaga dhigo kuwa u gargaara cadaaladda.

Waa nin iyo garaadkii, qof iyu damiirkii, ruuxna ruux kale u shafeeco qaadimaayo, waa naftaada taada oo keliya waxa ILLAAHAY KAALA XISAABTIMI DOONO.

Waa inoo qormo kale iyo dhowaan, Insha Allah.

Ahmed Hassan Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalah
Hargeysa

https://www.facebook.com/aharwo?ref=tn_tnmn


samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: