DAREENKEYGA IYO CIYAARAHA GOBALLADA
BADHASAABADU WEY ASIIBEEN WASIIRADUNA WEY QALDAMEEN
Ahmed Arwo
Waxa lagu jiraa damaashaadkii tartanka goballada ee
ciyaaraha. Waa madal muujineysa nabadda iyo horumarka bulshadu gaadhay. Waxa
hubaal ah in qiimo weyn ay ummadda ugu fadhido in sannadkiiba hal mar lagu
tartamo ciyaar wanaag iyo madadaalo bulsho. Waa kulan loo siman yahay gobal yar
iyo mid weynba fursadna la siiyo inay dhalintu is muujiso ooy soo bandhigaan
xirfadooda ciyaareed iyo qiimaha ay gobal kastaa siinaayo isboortiga.
Calamo quroon iyo astaamo u gaar 13 gobal ayaa golaha
dabeeshu ruxaysaa, waxa dhinac iyo badhankaba ugu jira calanka tawxiidka,
calanka seddexda midab leh xidigta madoobina u gaarka tahay, waa calanka
qaranka Soomaliland.
Bilow kheyr badan iyo farxad ayey ku bilaabanatay. Waa leys
helay oo gobalba taagtii iyo tamartii, xeeladdii iyo xoogii, xirfaddii iyo
xeeshii intaba lagu tartan. Qosal iyo kaftan weriyayaashu soo tebiye, bushana
heshay madadaalo iyo amuur laua baashaalo oo lagu doodo.
Waxaan aad ugu farxay oo Soomaliland u gaar ah oon xataa
dalkan Ingiriiska ee loo yaqaan aabaaha kubbadda cagta aan ka dhicin kaalinta
libaax ee dumarku ka qaateen daawashada. Waxaabad odhonaysaa iyagaa raga ka
badan. Waa dhaqan u gaar ah Soomaliland,una baahan in adduunka loo soo bandhigo
sida Soomaliland arrintan dunidu ku guulaysan weyday halkay u martay.Waa amuur aynu
macalin ugu nahay adduunka.
Ka gudub. Intaan diiday waxaa ugu horreysa kaalinta ay ka
qaateen Wasiirada iyo Madaxda Hayádaha Qaranku uma dhamma ee waa inta u hiilisay
gobal ay isir ahan ka soo jeedaan. Waana inta shaashada lagu arko hiilkooda.
Gobal waxa u madax ah badhasaab iyo maayaro, iyagaa ah hormood u hadli kara una
hiilin kara gobalkooda. Hadda ogow badhasaabada maantu midna madax uma aha
gobalka uu u dhashay. Waajibkoodey guteen oo waxay taageereen gobalka ay xilka
u hayaan. Waa sharaf ay si wacan u mutaysteen. Waanan ku ixtiraamiyaa kuna
hanbalyeynayaa.
Dhinaca kale Wasiirada shaashada la soo taagan gobal habal
ayaan casuumay. Waa maxay doorkoodu. Wasiirku miyaanu ahayn xil qaranka oo dhan
ka dhexeeya. Deganaanshana miyeyna dhammaan ku deganayn caasimadda. Waa qalad
dhiirigelinaaya qabyaaladda iyo kala-faquuqa bulshada. Wasiir waa xil qaran ee
maha xil gobal mana aha xil qabiil. Waxa taasi keentay in ilaa hadda wasiir
casuuma gobalka Maroodi-jeex la waayo. Waayo Wasiirada wax casuumay waxay
rabaan meel ay reer ahaan keli ku yihiin inay isu muujiyaan. Meel cidi la
wadaagto wey tuureen. Hadda bulshada nus ayaaba ku nool Maroodi-jeex. Xitaa
Sheekhul baladkii ayaa caasuumadda u fidiyey Gobal kale.
Waxa iyana iga yaabisay casuumad la yidhi waxa bixiyey
Beesha Ciidagale oo casuuntay Awdal. Wa maxay caasuumad ciyaareed ay beeli
bixinaysaa. Dhinkeed u qaadi. Waa ujeedo badan iyo hawl leexsan.
Xilka qaran ha laga daayo caadifadda oo ha loo sinnaado
bulshada, sida ay garteen Badhasaabadu ha oggaado ninka xilka hayaa inuu xilkiisu
ku qasbaayo inuu iska ilaaliyo caadifad beeleysan. Beeshu waa sax waa waxay
inaga gashay deegaan dimuquraadiyadduna waa deegaan. Kolkaas in beeli siyaasad
ka shirto, kuna tashato waxa keeneysa dimuquraadiyadda ku dhisan deegaan iyo
degaankeeena oo isna ku dhisan qabiil. Laakiin xilka Wasiirku waa mid u
dhexeeya deegaanada iyo qabaaílka, kumanayna iman doorasho. Waxa taaas ku
habboona xildhibanada wakiilada ee goballada laga soo doortay. Iyagina lama
arag, ma wasiiradaa jiidhay mise wey garab mareen waajibkoodii.
Waxaan la yaabaa in Garoonku madhan yahay iyadoo
Maroodi-jeex ciyaareyso, buuxsamana kolka gobalada qaar ciyariyaan. Waa la
yaab. Waxay muujineysa tacasubku halka uu gaadhay. Waxay noqotay Maroodijeex
meel reer aanu keli u sheegan karin oo ruux waliba uu ku adkeystay halka gooni
ahaan loo garanaayo. Waxaad arkeysaa ruux ab iyo isirba reer Hargeysa ah, oo leh
waxaan ahay oon la socdaa Gabiiley, waxaan ahay Daad-madheedh, Waxaan ahay
Hawd, Waxaan ahay reer Togdheer, Buuhoodle, Awdal, Salal, Sool. Sanaag iyo
iyo..Waa arrin aad aan ula yabay hab dhaqankan oo gaadhay xataa qurbaha.
Haddii sidan loo dhaami waayo, waxa habboon in la joojiyo
tartanka noocan ah oo la qorsheeyo ciyaaro koox koox ah oo Kooxaha koowaad iyo
Labaad iwm loo qondeeyo.
Guud ahaan la farax, la tartan, dhalinyaradu is baratay,
muddo laga mashquul siyaasad iyo qaad. Guusha iyo wanaagaa badan ee inta
dhooqaysay eey ugu weyntay nasiib darrada ku dhacday gobalka weyn iyo magaalada
labaad ee Soomaliland ha la saxo oo yaan dib inoogu soo noqon. Madaxduna ha
qaataan qaladkooda oo yeyna muran ka keenin, wasiir baan ahay iyo Gobalkaas ayaan
ka soo jeeda oon u qaylinayaa oon waliba xisaabtii qaranka ku casuumayaa ma banana,
ma qurxoona, ma habboona. Waana mid bulshadu gudo iyo debed dhibsatay ee yeyna
noqon mid mar kale inagu soo noqdta.
Waxaan mar kale koofiyadda u tagayaa Badhasaabada dhammaan iyo
mayarada gartay xilka ka saran kooxaha iyo tartanka. Waa inoo sharaf iyo farxad
inaynu tartan dalkeenoo dhan soo koobay aynu qabsano.
SOOMALILAND WAXAY KU TARTANTAA CIYAARAHA IYO SIYAASADDA,
WAXAYNA KU MIDEYSANTAY QARANNIMADA IYO WADANIYADDA.
Meel nabadi taal aya tartan ciyaareed yaala.
Guul iyo Mustaqbal Wacan
Axmed Xasan Carwo
No comments:
Post a Comment