13 June, 2013

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka oo qarka u saaran Inuu Xidhmo

Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka oo qarka u saaran Inuu Xidhmo

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Guddida Qandaraasyada Qaranka, ayay la soo gudboonaatay caqabado la xidhiidha hawlihii ay qaranka u hayeen, iyadoo aan la soo marin qandaraasyada la baahinayo oo ay sharciyan awood u leeyihiin.
Gudida Qandaraasyada Qaranka oo la aasaasay 1996, ayaa markii talada ay la wareegtay xukuumaddani waxa mar kale uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaray, isla markaana ku faray Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda inay mariyaan qandaraasyada qiimahooda dhan yahay 3000$ ama kor uga sareeya.
Sida uu Wargeyska Dawan u xaqiijiyay Agaasimaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Maxamed Cabdiraxmaan Bulaale hawlaha shaqo ee xafiiskaas ayaa sannadkan 2013-ka aad u yaraaday, isla markaana shaqooyinkii aanay si habsami ah uga socon marka loo eego labadii sanno ee la soo dhaafay oo shaqada guddidu ay ahayd mid si fiican u shaqaysa.
Waxaanu Agaasimuhu hoos-udhacaas ku sababeeyay Wasaaraddaha ugu waawayn qaarkood iyo hay’addaha kale ee dawladda oo aan soo marin qandaraasyada ay baahiyaan ‘Sanadkan 2013 hawlihii shaqada xafiiska aad iyo aad ayay u yaraadeen marka loo eego labadii sanno ee la soo dhaafay, waxaana arrintaasi sababay Wasaaraddaha qaar iyo hay’addaha kale ee dawladda oo aan qandaraasyada la baahinayo soo marin oo iyagu hawshaasi fushada.” ayuu yidhi Agaasimaha Guddida Qandaraasyada Qaranku, waxaanu intaas raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata. ‘Wasaaradaha aan noo keenin qandaraasyada waxa ka mid ah Wasaaraddaha Caafimaadka, Arrimaha dibedda, TV-ga Qaranka iyo Madbacada Qaranka.”
Sidoo kale Wargeyska Dawan oo u kuur galay hawlaha shaqo ee Guddida Qandaraasyada muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo u muuqday inay hoos-udhac ku yimi, isla markaana aanu shaqayn xafiiska inta badan.
Si kastaba ahaatee, Wasaaraddaha iyo Hay’addaha kale ee dawladda ayaa sharciyan xaq loogu leeyahay inay qandaraasyada ay baahinayaan ay mariyaan xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland.
XIGASHO: wARGEYSKA DAWAN

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: