13 June, 2013

Ciyaaryahan Muslim Ah Oo Ka Gilgishay Wax Diintiisa Islaamka Wax U Dhimaya

Ciyaaryahan Muslim Ah Oo Ka Gilgishay Wax Diintiisa Islaamka Wax U Dhimaya


Newcastle United ayaa ka fikareysa inay iska iibiyaan weeraryahankooda Papiss Cisee si ay xayaysiiska ugu sameeyaan shirkada ribada ku shaqeysata ee Wonga.


Cisse ayaa shalay kooxdiisa Newcastel United u sheegay inaanu dooneynin inuu xidho funaanad lagu xayaysiinayo Wonga.com oo Newcastle ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka soo socda madaama uu Muslim yahay. Agaasimaha kooxda Newcastle Derek Llambias ayaa sugi doona inuu Cisse ka soo laabto xulka Senegal si ay labada nin uga hadlaan inuu xidho funaanadda ama inuu ka tagayo kooxda, sida lagu soo qoray Bogga Kooxda Newcastel. Si kastaba, kooxda ayaa u aragta in diidmada Cisse ay tahay mid shaqsi ah madaama weli saaxiibadiisa kale ee Muslim-ka ah Hatem Ben Afra iyo Cheik Titote aanay weli diidin inay xidhtaan garan lagu xayaysiinayo Wonga.com


“Diinta Islaamka ayaa ii diideysa inaa xidho funaanad lagu xayeesiinayo shirkada ka ganacsata ribada” ayuu PapissCisse u sheegay Saxaafadda mar uu la hadlayay.




ttp://samotalis.blogspot.com/

No comments: