15 June, 2013

ALLAH HA U NAXARIISTEE XILDHIBAAN AXMED WEYNE OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYAY HARGEYSA IYO MADAXWAYNE SIILAANYO OO KA QAYB GALAY

ALLAH HA U NAXARIISTEE XILDHIBAAN AXMED WEYNE OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYAY HARGEYSA IYO MADAXWAYNE SIILAANYO OO KA QAYB GALAY

Hargeysa (BLM) Allah Ha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Ibraahin Daahir (Axmed-Wayne), oo xalay ku geeriyooday Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta aas qaran loo sameeyay.

Aaska Qaran ee loo sameeyay Marxuumka ayaa waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Xildhibaano Ka tirsan Laba Gole, Wasiiro iyo waliba dadweyne aad u tiro badan

madaxwayne siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu marxuummku ahaa qof aad u fiican islamrkaana ay ka go’antahay wax u qabashada umadiisu





Waxa uu ehaladii marxuumka iilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo, shacabka reer Somaliland uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa isna ilaahay uga baryay marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Allah u naxariisto marxuumka oo ka mid ahaa xildhibaanadda golaha wakiiladda ee Somaliland lagana soo doortay Magaaladda Hargeysa.

Baligubadlemedia.com

Hargeysa Somaliland

http://samotalis.blogspot.com/

No comments: