17 June, 2013

Akhriso Magacyada 46 Qof Oo Dadkii Ku Dhintay Laba Doonyood Oo Habeen Hore Ku Qarqamay Biyaha Bedda Dalka Libya

Akhriso Magacyada 46 Qof Oo  Dadkii Ku Dhintay Laba Doonyood Oo Habeen Hore Ku Qarqamay Biyaha Bedda Dalka Libya

Bengazi (Halbeegnews)–17/06/2013– Waxaa habeen hore biyaha bedda dalka Libya meel u jirta 8 Km ku qarqamay laba doonyood oo ay la socdeen boqolaal muhaajiriin doonaayey inay uga tahriibaan jasiiradaha Malta ama dalka Talyaaniga.

Sida ay Halbeegnews u sheegay Cabdixakiin oo ku sugan dalka Libya kana mid ah dadka iyagu sugaya inay tahriibaan ayaa sheegay in labada doonyood uu midkiiba la socday ugu yaraan 130 qof oo dad ah, isla markaana ay habeen hore ka baxeen xeebaha dalka Libya iyadoo la soo sheegay in labada doonyoodba ay qarqameen ka dib markii dabaylaha iyo mawjadda bedda oo kacsana ay dajiyeen doonyaha oo ahaa noocyo aad u daciif ah.

Haddaba iyadoo aan la hayn tirada dhabta ah ee inta ku naf wayday doonyaha tahriibka ahaa ayaa waxaa Halbeegnews goor dhawayd loo soo gudbiyey liis dad ka kooban 46 qof oo iskugu jira rag iyo haween ka soo jeeda magaalo kasta oo dhulka soomaalidu degto, waana kuwani magacyadii ee akhris wacan:

1- Nasro C/llahi Cabdi

2- Fartuun Xasan

3- C/llahi Xasan

4- Faarax …. lama haayo magaca oo dhameystiran

5- Nasteexo Nuur Xassan

6- Xasan Mowliid Cismaan jees bile

7- Aadan C/qaadir Aadan aadan baale

8- Xassan Weli fanteeye

9- Sabiriin Yasiin

10- Ilkacase … lama haayo magaca saxda ah

11- Saleymaan Sabriye

12- Najax C/llahi (Hargeysa)

13- Xassan Furre (Burco)

14- Sacdiyo Ilyaas Cabdi

15- Salaad Yuusuf

16- Saabir C/naasir Haji

17- Xaaji ….. Lama haayo magaca oo dhameystiran

18- Fartuun Xassan Xusein (Hargeysa)

19- C/llahi Dhagey .. (Muqdisho)

20- Suleekho C/qaadir Cabdi

21- Nafiso C/xaafid Ilyaas

22- Saabiriin Salaad xaashi

23- Fadumo …. (Bilan) .. (Muqdisho)

24- Mascuud Axmed (Hargeysa)

25- C/fitaax Nuur .. (Muqdisho)

26- Maxamed Xassan Xusein (Muqdisho)

27- Saleeban Faisal (Burco)

28- Faarax C/llahi Cabdi (Hargeysa)

29- Mukhtaar Muse (Kuuriya) (Burco)

30- Xusein Maxamed Xassan (Jigjiga)

31- Sacdiyo Nuur Farax (Gaalkacyo)

32- Fatxiyo …… Lama haayo magaca oo dhameystiran.

33- Fanax ….. Lama haayo magaca oo dhameystiran.

34- Saciid C/qaadir

35- Anwar Faarax

36- Yoonis Salaad Xaaji

37- Salmaan Xassan

38- C/risaaq Maxamed

39- C/raxmaan Maxamed

40- Xuseen Barre Ismaaciil

41- Xasan Axmed Tuure

42- Naciimo Cabdi Faarax

43- Maryan Cali Xuseen

44- Faarax Cali

45- Xasan Shiikh Ibraahim

46- C/llahi Aadan Cadde

Halbeegnews waxay ka sugaysa warar dheeraad ah haayadda bisha cas iyo xarunta qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee fadhigeedu yahay dalka Libya inay soo xaqiijiyaan dhimashada iyo magacyada dadka ku naf waayey goor dhaw kala soco Halbeegnews magacyo kale haddiiba naloo soo gudbiyo.

Halbeegnews, Bengazi

contact@halbeegnews.com




http://samotalis.blogspot.com/

No comments: