16 May, 2013

Xukuumadda Somaliland oo qorshaynaysa inay Isgaadhsiinteeda kala wareegto Furaha Somaliya 252

Xukuumadda Somaliland oo qorshaynaysa inay Isgaadhsiinteeda kala wareegto Furaha Somaliya 252

 "Waxa shalay kulan lagu gorfaynayay ku yeeshay wasaaradda Boosaha Shirkadaha iyo Xukuumadda"

Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaa bilowday qorshihii iyo xogtii ay kaga goosan lahayd Isgaadhsiinteeda Furaha Somaliya ee 252 ee ay labada dal wada isticmaali jireen.

Kulan balaadhan oo lagaga tashanayo talaabadaasi ayaa ka dhacay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta waxaana ka soo qayb galay dhamaan Shirkadaha Isgaadhsiinta, Xukuumadda iyo Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Dalka, waxaana lagu falanqeeyay qaabka ugu haboon ee ay Somaliland uga wareegi karto Furahaas.

Shirkadaha iyo Ururka Isgaadhsiinta Somaliland ayaa kulankaasi ku soo bandhigay in la heli karo fursado casri ah oo ay Somaliland kaga heli karto isgaadhsiinteeda in loogu sameeyo dariiq ka duwan ka ay hada Isticmaasho ee Somaliya, waxana la soo bandhigay shirkaddo badan oo hawshaas fulin kara.

Xukuumadda Somaliland oo in badan ka caga jiidaysay in ay qorshe u samaysato Isgaadhsiinteeda ayaa u guux day qorshayaashii loo qadimay, waxaanay Shirkadaha iyo khubaradii kala qayb qaadatay ku war gelisay in ay talo ka soo yeelanayso Hindisaheedaiyadoo balan qaaday in ay aka go'an tahay hawshaasi.

Talaabadan ayaa ku soo beegmaysa maalin kadib markii ay go'aan adag ku waajahdayaa Go'aan qaramada Midoobay ku hoos geeyeen Muqdisho Duulimaadayada Hawada Somaliland dul mara taasoo ay marka hore ku wada shaqayn jireen qorshe sadex geesood ah balse iyada oo aan Somaliland lagala tashan la wareejiyay.

Hore waxa ayaa Xukuumadda Somaliya kulan Muqdisho ugu qabatay shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliya iyo Somalialand, iyadoo ku amartay in ayaa ka amar qaataan wasaaradda Boosaha iyo Gaadiidka Somaliya balse wakhtigaas Somaliland hadal kaasi umuu dhadhamin laakiin markii Kulaylka Duulimaadyadu taabtay ayay ku ambabartay.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland sida uu Madaxweyne Siilaanyo shalay ku baaqay waxa hor yaala go'aan qaadasho iyo tabaabulshe ay kaga gaashaamanayso qorshayaasha cadawgeedu ku hagar daamaynayo.

Kulanka ay Shirkadaha iyo Xukuumaddu ku yeesheen Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ayaa ahaa mid aan saxaafadda loo ogalayn, balse waxa ay Waaheen heshay tibaaxo ka mid ah ajanadaha shirkaasi.

Short URL: http://waaheen.com/?p=66212

No comments: