16 May, 2013

Guddoomiyaha Guurtida oo waan waan ka wada dhismayaal wasiirka Hawlaha Guud ka joojiyay wasaaradda Boosaha

Guddoomiyaha Guurtida oo waan waan ka wada dhismayaal wasiirka Hawlaha Guud ka joojiyay wasaaradda Boosaha

 "Waxa uu shalay Indho indheeyay goobta laga binaynayay oo ku dhex taala wasaaradda"

Saleeban-Nuur1Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamud Aadan ayaa shalay booqday Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo dhismayaal meherado noqon lahaa oo laga dhex binaynayay la joojiyay.Booqashada Guddoomiye Saleebaan ayaa ahayd mid uu ku Indho indhaynayay goobta la joojiyay oo ay cabasho uga tagtay si uu u dhex dhexaadiyo wasaaradda Hawlaha Guud oo joojisay iyo dadkii shicibka ahaa ee la siiyay dhismayaashaas oo laba qol ahaa.Guddoomiye Saleebaan ayaa in door ah dhex taagnaa goobta oo Jiingad lagu hadoodilay balse wakhtigaas waxa Wasaaradda dhexdeeda ku sugnaa wariyayaal Waaheen ka tirsanaa oo ka war sugayay kulan ay Xukuumaddu u qabanaysay Shirkadaha Isgaadhsiinta, hase yeeshee umay suurtogelin in ay wax ka weydiiyaan.Guddoomiye Saleebaan waxa ku wehelinayaya dhawr qof oo in muddo ah la soo lugeeyay kuwaas oo tilmaan ka siisnayay Dhulka la joojiyay iyo sababta loo joojiyayba, hase yeeshee kamay muuqan dadka la hadal hayay in dhulkaas la siiyay.Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa joojisay dhismaha dhulkaasi iyadoo la sheegay in ay ku sababaysay in ay ka soo horjeedo talaabada lagu dhisayaa Go'aankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka soo saaray Dhulka Dawladda in la dhalan rogo ama dad gaar ah la siiyo.Hase yeeshee marka laga yimaado dhulkaasi wasaaradda ku dhex yaala waxa soo baxaya warar sheegaya in guryo Dawladdu leedahaya la kala iibsaday mudadii ka danbaysay Digreetadii Madaxweynaha, guryahaas oo ku yaala xaafadda shacabka, wallow guryo hore oo la kala iibsaday wasaaraddu ku sheegtay in aanay jirin ee ay yihiin guryo ay kiradooda helaan, sharcigana ay waafajiyaan dadka isku wareejinaya, hase yeeshee dhinac kastaa macaash buuran ka helo.Wasaaradda Hawlaha Guud waxa kale oo ay dhawaan joojisay guri la sheegay in la kala Iibsaday oo ku yaalay xaruntu boodhinka kal kaaliyayaasha Caafimaadka eek a danbaysay Cisbitaalka kadib markii ay wasaaradda Caafimaadka iyo ururka kal kaaliyayaasha Caafimaadku culays ku saareen wasaaradda iyo Xukuumadda in la joojiyo ogolaansho ay wasaaradda Hawlaha guud siisay marka hore.Si kasta ha ahaatee waan waanta la filayo Guddoomiye Saleebaan in uu ku dhex galoa Wasaaradda iyo dadka Makhsinada Meheradaha ah laga siiyay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhiinta ayaa la filayaa inay noqon doonto mid culus.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=66214

No comments: