16 May, 2013

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha oo been ku tilmaamay shaqaalihii 1500 ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo, Samaale iyo Xirsi ay ku faaneen in ay sanadkan qorsheeyeen

Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha oo been ku tilmaamay shaqaalihii 1500 ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo, Samaale iyo Xirsi ay ku faaneen in ay sanadkan qorsheeyeen

"Nuux iyo Xirsi iyamaa Run ka sheegaya shaqaalaha ay dawladdu qoratay"

"Wax allaale wax ka jira 1500 shaqaale ah ma jiraan, laakiinse waxa jira 825 shaqaale loogu daray miisaaniyadda laba wasaaradood" Nuux

"Intii Madaxweynaha Siillanyo uu Hogaaminayey Dalka Wuxuu Shaqo Abuur u sameeyey in ka badan 5,000 oo Dhalinyaro ah waliba waa inta shaqada gashay" Xirsi

Copy of untitledHargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha dawladdda Nuux Sheekh Muuse Ducaale ayaa been iyo wax aan jirin ku tilmaamay 1500 oo shaqaale ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo Digreeto ku dhaqan galiyay, Wasiir Xirsi iyo Wasiir Samaalena ku faaneen sanadkan 2013-ka in ay shaqaalahaas qaateen.

Beeninta Guddoomiyaha Hay'adda shaqaaluhu beeniyay Qorshaha ay Xukuumaddu sanadkan ku dhaqan gelisay Siyaasadeeda Miisaaniyadda ee 2013-ka oo uu Madaxweyne Siilaanyo saxeexay waxa uu ku baahiayay Wargeyska Jamhuuriya cadadkiis 5127 ee soo baxay 13 May/2013-ka kaasoo uu kaga jawaabayay su'aal laga weydiiyay wax aka jira 1500 ee shaqaalaha ah ee ay Xukuumaddu sheegtay, waxaanu ku jawaabay "Arrintaasi dhawr jeer ayay igu soo noq noqotay oo horena waa la ii weydiiyay, horta 1500 qof ee shaqaalaha ah oo la igu yidhi wasiir baa ku dhawaaqay sidaan filayo ahaa wasiirka Maaliyadda, laakiin wax allaale wax ka jira 1500 shaqaale ah ma jiraan, laakiinse waxa jira 825 shaqaale loogu daray miisaaniyadda laba wasaaradood oo kala ah Wasaaradda waxbarashada oo loogu daray 500 iyo wasaaradda Caafimaadka oo loogu daray 325 shaqaale ah" ayuu yidhi

Isagoo sii faahfaahinaya 825-ka shaqaalaha ah ee uu sheegay in Miisaaniyadda loogu daraya waxa uu yidhi "325 ka shaqaale ah ee Wasaaradda Caafimaadku waya qaadatay, oo waxay ahaayeen dad xirfadlayaal ah oo isgu jiray Kal kaaliyayaal iyo Dhakhaatiir wax Imtixaan ah oo laga qaadayana ma jirto. 500 ee Macallin ee miisaaniayadda ugu jirta Wasaaradda Waxbarashada wali waxba lagama qorin, imikana bishii shanaad badhtankeedii ayaynu ku jirnaa oo durba nus baa tagay sanadkii, laakiin lacagtoodii way taalaa waana la qorayaa, haddiise ay qoran kari waayaan 500 waxaanu u qaybinaynaa wasaaradaha kale ee u baahan."

Guddoomiyaha Haya'adda shaqaaluhu waxa kale oo uu raaciyay in ay jiraan 159 shaqaale ah oo uu isagu qoray, kuwaas oo aanu cadaynin qaabka uu u qoray, Mushaharkoodu halka uu ka baxayo iyo cida samaysay toona laakiin uu isagu ku faanay in uu qoray, kuwaas oo aan la ogayn Hay'adaha uu u qoray waxaanu yidhi "Waxa kaloo jira 159 qof oo Hay'ada shaqaalaha Dawladdu sifo sharci ah u shaqaalaysiisay sanadkan" ayuu raaciyay in uu qoray.

Hadaba, Wargeyska Waaheen waxa uu Bulshada iyo Xukuumaddaba ma Guddoomiyaha Qaldan oo aan Xukuumadda la socon, mise Xukuumadda ayaa sida uu sheegayo bulshada Been iyo Indho sarcaad ku maaweelinaysa.

Waxa aanu halkan ku soo bandhigaynaa shaxda Sanadkan Xukuumaddu shaacisay in ay qaadanayso oo ah ta ay ku qaybisay 1500 ee shaqaalaha ah ee uu Madaxweyne Siilaanyo saxeexay isla markaana aya ku soo taliyeen Guddida Qaran ee Siyaasadda Miisaaniyadda sanadkan samaysay oo ka koobnaa Toddoba Wasiir, shaxdaasi waa tan:-

 Head  Wasaarada/Hay'adda A  B C  D Total  Amount
           1 Qasriga Madaxtooyaddan JSL.       -       -       -     -           -                                -
 1A  Madax-weyne ku-.Xigeenka JSL.       -       -       -     -           -                                -
 1B Guddiga La Dagaalanka Aides-ka.       -       -       -     -           -                                -
           2  Golaha Guurtida JSL.      -        -      -      -          -                                 -
           3 Golaha Wakiiladda JSL.       -       -       -     -           -                                -
           4  Maxkamada Sare.      -        -      -      -          -                                 -
           5 Xeer Illaalinta Guud Qaranka.    11    11      5  12        39            280,082,400
           6  Hay'adda Shaqaalaha Dawladda.     2        -     1     1         4               30,482,400
           7 Hanti-dhawrka Guud Qaranka.       -       -       -     -           -                                -
           8  Madaxtooyadda.     4       2     3     4       13               91,447,200
 8A Ciidanka Illaaladda Madaxtooyadda.       -       -       -     -           -                                -
 8B  Garyaqaanka Guud ee Qaranka      3       -       -     -          3              30,513,600
           9 W.Arrimaha Dibada.       -       -       -     -           -                                -
         10  Wasaaradda Cadaaladda & Garsoorka.     8       4      -     6       18            137,030,400
 10A Ciidanka Asluubta.       -       -       -     -           -                                -
 10B  Maxkamada Hoose.     3       7     8     5       23            158,496,000
 10C Guddiga Xaquuqal Insaanka Qaranka.      5    10      5    5        25           184,548,000
 10D  Guddiga Dib u habaynta Shuruucda.      -        -      -      -          -                                 -
         11 Wasaaradda Arrimaha Gudaha.      2      3      2    3        10              69,264,000
 11A  Ciidanka Booliska.      -        -      -      -          -                                 -
 11B Ciidanka Ilaaladda Xeebaha.       -       -       -     -           -                                -
 11C  Guddiga Baadhista Xasuuqii.      -        -      -      -          -                                 -
 11D Laanta Socdaalka.       -       -       -     -           -                                -
         12  W.Warfaafinta & Wacyigelinta.     2       3      -      -         5               45,240,000
 12A Somaliland National T.V.       -      1      -         1                 8,299,200
         13  W.Gaashandhiga.      -       2      -      -         2               16,598,400
 13A Ciidanka Qaranka.       -       -       -     -           -                                -
         14  W.Qorshaynta Qaranka & Horumarinta.     6       8     4      -       18            153,004,800
         15 Wasaaradda Maaliyadda.       -       -       -     -           -                                -
 15B  Waaxda Miisaaniyada & Qasnada      -        -      -      -          -                                 -
         16 W/Ganacsiga    18    12      4    4        38           323,232,000
         17  W.Macdanta, Biyaha & Tamarta.      -        -      -      -          -                                 -
         18 W/Kalluumaysiga Kh/Badda & M/Dekeddaha.    10       -       -     -        10           101,712,000
         19  Wasaaradda Beeraha.   10     10     5     5       30            235,404,000
         20 W/X/Xoolaha    15       -       -     -        15           152,568,000,({waxa lagu daray 10A oo dhakhaatiir ah})
         21  W.Boostadda & Isgaadhsiinta.      -        -      -      -          -                                 -
         22 W.Waxbarashada & Tacliinta Sare.       -  500       -     -      500        4,149,600,000
 22A  Agaasinka Tacliinta Sare      -        -      -      -          -                                 -
 22B Gudiga Tacliinta Sare       -       -       -     -           -                                -
         23  Wasaaradda Caafimaadka.   70   150   60   45      325        2,509,104,000
         24 W.Diinta & Awaafta.       -       -       -     -           -                                -
         25  W.Hawlaha Guud & Gaadiidka.   11       2     2     1       16            145,017,600
         26 Wasaaradda Duulista & Hawadda.       -       -       -     -           -                                -
         27  Hay'adda N.D.C.      -        -      -      -          -                                 -
         28 Hay'adda Miino-Saarka Qaranka.      1       -       -     -          1              10,171,200
         29  Xafiiska Xidhiidhka Golayaasha ee Madax.     2       1     1     2         6               42,525,600
         30 W. Shaqadda & Arrimaha Bulshadda.       -      9       -     -          9              74,692,800
         31  W/Ciyaaraha, Dhalinyaradda & Dhaqanka.      -        -      -      -          -                                 -
         32 Guddiga Doorshooyinka Qaranka.       -       -       -     -           -                                -
         33  Guddiga Qandaraaska Qaranka.      -        -     1      -         1                 6,396,000
         34 Hay'adda NERAD.       -       -       -     -           -                                -
         35  ICT. Commission.      -        -      -      -          -                                 -
         36 Hay'adda Xidhiidhka Caawimadda FWP.       -       -       -     -           -                                -
         37   Commission-ka Qurba Jooga.      -        -      -      -          -
         38  Quality Control Commission.       -       -       -     -           -                                -
         39   Good Governace and Anti-Corruption Com.      -        -      -      -          -                                 -
         40 Wasaaradda Dib U Dajinta       -       -       -     -           -                                -
         41  Wasaaradda Deegaanka Hormarinta Reer Miyiga      -       5   10      -       15            105,456,000
         42 Gudiga Diiwaangelinta Ururada       -       -       -     -           -                                -
         43  Wasaarada Wershadaha      -        -      -      -          -                                 -
         55  Total  183  740 111   93 1,127         9,060,885,600
          -            -      -      -          -                                 -
          -                                 -

Shaxdan Waaheen hore waxa ay u weydiisay Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha Dawladda Hase yeeshee wakhtigaas sida uu hadalkiisa ku sheegayba wuu ka gaabsaday in uu Waaheen uga waramo balse wakhtigaas waaheen waxa ay bandhigtay qoraalkaas oo ay ku cadahay Wasaarad kasta iyo Hay'ad kasta oo Dawladeed saamiga kaga soo hagaagay sanadkan in ay qortaan.

Inta la ogyahay qaabka shaqaalahaas loo qaatay wax aka soo baxay cabashooyin kala duwan oo farta lagu godayay qaabka ay u qaateen wasaaradaha iyo Hay'adda shaqaaluhu, marka laga reebo shaqaale ay Imtixaan uga qaadeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta hase yeeshee intii kal lama hayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, Guddoomiyuhuna muu cadayn 159 ka uu gaarka waraysigiisa ugu xusay ee uu ku mano sheegtay in uu qoray.

Dhawaaqa Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha Dawladda ayaa ka hor imanaya qorshe siyaasadeedka Madaxweyne Siilaanyo ku hogaaminayo sanadkan siyaasadda Miisaaniyadda, taasoo uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray Guddi Wasiiro ah oo kala ah:- Wasiirka Wasaaradda maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dr: Cabdi Aw Daahir, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawda Maxamud Xaashi Cabdi,  Wasiirka Wasaaradda ganacsiga C/risaaqa Khaliif Axmed iyo Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Axmed Geedoole.

Madaxweyne Siilaanyo Digreetada uu ku dhaqan geliyay 1500 ee shaqaalaha ah iyo Siyaasadda Miisaaniyadda ee loogu talo galay waxa uu faray Guddidaas Wasiirada ah in ay sadex biloodkiiba mar qiimeeyaana Miisaaniyadda " waa in Guddida Siyaasadda Miisaaniyadda Saddex biloodkiiba hal mar ay kulmaan, si qiimayn ay ugu sameeyaan Siyaasadda Miisaaniyadda 2013-ka" ayuu ku yidhi Mdaxweynuhu qorshihiisa ku aadan siyaasad miisaaniyadeedka sanadkan.

Hadaba, iyadoo sidaas ay Madaxweynaha iyo Gudidiisa Wasiiradu bulshada u baahiyeen ayuu Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaaluhu ku dhawaaqay erayada Dhiilada leh ee Ummada ka yaabiyay, waxaanu muujiyay in ay Xukuumaddu ka been sheegayso qorshahaas.

Bal u fiirso Qudbadii Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyaddu ka hor jeediyay xafladdii Ardayada Jaamacaduhu ku qaabileen Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka jawaabayay tiraab ay Ardaydu iska daba martay oo ay Madaxweynaha ugu bandhigayeen dhibaatada shaqo la'aantu ku keentay gaar ahaana waxa ay bartilmaameed uga dhigayeen Aaafada Tahriibka, taasoo uu Wasiir Xirsi ka jeediyay Weedho rajo galinayay " "Runtii Waxa jirta in dhinaca Tahriibta iyo Shaqo la'aanta aad loo taabtay, intii Dawladda Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siillanyo) uu hogaaminayey Dalka Wuxuu Shaqo Abuur u sameeyey in ka badan 5,000 oo Dhalinyaro ah waliba waa inta shaqada gashay, laakiin Nasiib darro in ka badan Boqol kun Ama Labba Boqol oo kun oo qof ayaa shaqqo Sugayey, Marka intaasi aanu shaqalaysiinay waxay ka mid tahay Bar Biyo ah oo ku dhex dhacday Bad dhan oo Biyo ah, markaa waxba ka tarimayso, marka shaqo la'aanta taalla intaasi ma kafayn karto, laakiin Da'daalkii madaxweynaha meel fiican ayuu marinayaa."Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda.

Marka la is bar bar dhigo hadalka wasiirka iyo ka Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha Dawladda waxa kuu soo baxaya in ay kaaf iyo kala dheeri ka muuqato nidaamka Maamul ee xukuumadda oo in badan lagu xanto in aanay iskaba war haynin, tusaale ahaan Guddoomiyaha Hay'adda shaqaaluhu waxa uu sheegay in shan boqol oo kali ah oo qorshaha Miisaaniyadda ku jiray Wasaaradda Caafimaadku qaadatay, iyo 159 uu isagu sheegtay oo aan Miisaaniyadda ku jirinba.

Si kasta ha ahaatee su'aalaha ka soo baxaya hadalada kala duwan ee ay Madaxdii dalku isku tabcaynayso waxa ka mid ah Guddoomiyaha hay'adda shaqaaluhu ma isagaa dajiya oo soo saara Miisaaniyadda Qaranka, halkeese uu ka kkenay in uu kuwii Miisaaniyadda ku jiray daadifeeyo, kuwo jeebkiisa ahna qoro isagoo soo bandhigin Nidaamka uu sheegay in uu waafajiyay.

Ta kale, haddiiba Guddoomiyaha Hay'adda Dawaladdu maalin ka hor beeniyay qorshaha Xukuumadda muxuu wasiir Xirsi ula soo shir tagay madal in ka badan Lix boqol oo Jaamici soo fadhiyaan oo ay ka cabanayaan shaqo la'aan in uu yidhaahdo 5000 oo shaqaale ah ayuu Madaxweyne Siilaanyo qoray intii uu talada hayay.

Su'aalahaas iyo kuwo badan oo la iska weydiinayo dhawaaqa Guddoomiyaha Hay'adda shaqaalaha iyo qorshaha shaqaalaynta Xukuumadda ayaa looga fadhiyaa in ay Xukuumaddu bulshada u bal balaadhiso.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=66213

No comments: