05 May, 2013

Wasiirka Warfaafinta Oo Qiray In Cillad La Furdaamin Kari Waayey Soo Wajahaday Radio Hargeysa ,Kana Garaabay Handadaada Iyo Tacadiyada Xukumada Siilanyo…

……

Wasiirka Warfaafinta  oo qiray in cillad  la furdaamin kari waayey soo wajahaday Radio Hargeysa ,kana garaabay handadaada iyo Tacadiyada Xukumada Siillanyo ku hayso saxaafada..

Hargeisa- Wasiirka wasaarada Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo-cad) ayaa cambaareeyay falkii waxashnimada ahaa ee laba nin oo madaxa soo duubtay ku weerareen xarunta Wargeyska Hubaal,tacadiyada iyo cabudhinta xukumada siilanyo ku hayso saxaafada.sidoo kale wuxuu wasiirku ka hadlay cilad farsamo oo soo noqnoqotey oo soo wajahaday Radio hargeysa.

Wasiirka waxa oo ugu horayn la weydiiyay sida uu u arko tacadiyo ururada saxaafadu ku eedeeyaan xukuumaduu ka tirsan yahay ee Siilanyo, wuxuu ku jawaabey "Kolay waa la kala cabanayaa oo khaladku wuu iman karaa ama xagga Saxaafadda ayuu ka iman karaa, ama xagga xukuumad ayuu ka iman karaa sababo badan awgood, way jirtaa in mar-mar Booliska ama ciidamada kale ee Nabad-gelyadu ay qabtaan saxaafadda, hadana kuma raagaan ee markaba waa la sii daayaa."

Wasiirka oo la weydiiyay sida uu u arko warbxin ay soo saareen ururka SOLJA oo sheegaysay in mudadii sadexda sanadood ahayd ee xukuumada Siilanyo joogtay la xidhay,lana garaacay in ka badan 90 suxufi, wuxuu ku jawaabay "Walaahay wax baa ka jira arintaas,inkasta oo sida loo sheegayo aanay u jirin, dawladu saxaafadda way iska ilaalisaa waliba khaasatan madaxweynuhu ,waana waxyaabaha aynu caalamka ka iibino madax-banaanida saxaafadu."

Wasiirka oo ka jawaabayay su'aal ahayd sababta suxufiyiinta looga hor istaagay socod ay shalay ku mari lahaayeen jidka badhtamaha magaaladda si ay u xusaan maalinta saxaafadda adduunka, wuxuu ku ku afgobaadsadey "Horta xaq bay u leeyihiin inay maraan, laakiin nidaam baa jira waxay ahayd inay soo sheegaan sadex maalmood ka hor oo ay wasaaradda daakhiliga oo ay arrintaasi shaqadeedii tahay u soo sheegaan. Waxa igu maqaalo ah waxay geeyeen shalay, arintaasina waxay uga baahnayd tabaabulshe si booliska loogu nidaamiyo oo nabad-gelyadooda la sugo "

Geesta kale Wasiirka warfaafintu wuxuu si mug weyn u cambaareeyay falkii lagu weeraray Wargeyska Hubaal, wuxuuna yidhi "Arrintaasi ka wasaarad ahaan iyo Wasiir ahaanba waanu cambaareynayaa, arrin aad iyo aad u fool xun weeye, arrin aan dhaqan iyo caado inoo ahayn weeye Somaliland waxay saxaafaddu ahayd waxyaabaha aynu kaga wanaagsan nahay dhulka kale, iyadoo aan mu'aamarad iyo afduub aan loo geysan jirin saxaafadda,wuxuuna intaas raaciyey in kiiskaa ay gacanta ku hayaan Ha'yadaha nabad-gelyadda."

Guntii iyo Gebgebadii Wasiirka Warfaafinta  oo la weydiiyay waxa ku dhacay in dhawr maalmood ay idaacadii weynayd ee Radio Hargeysa hawada ka maqantay, wuxuu ku jawaabay "Idaacaddu cilad farsamo ayay isku taagtay, farsamo yaqaanadii ayaana gacanta ku haya oo imika laba cishaba ku jiray.waana iska cilad farsamo oo waa iska caadi, wax kale oo dhibaato ah oo ay u aamustay ma jirto. Idaacadii kale ee FM-ta ahayd ayaa noo shaqaysa tanna waanu kicinaynaa Haddii ALLE yidhaahdo."

No comments: