05 May, 2013

Faysal A.Waraabe Oo Kashifey Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Siilanyo Oo La Og Shirweynaha Qaran Ee Uu Ku Baaqey



Faysal A.Waraabe oo Kashifey xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Siilanyo oo la og shirweynaha Qaran ee uu ku baaqey

Hargeisa-(Qaran-news)-Gudoomiyaha xisbga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ku celceliyey baaq uu hore u jeediyey oo ku saabsan shirweyne wada-tashi qaran oo uu sheegay in Masuuliyiin ka tirsan xukumada Siilanyana ay isla ogyihiin  isula ogolaadeen,xukumada Siilanyo lafteeduna mid barbar eryaysay balse koodii ka fashilmay.

Faysal Cali Waraabe wuxuuu daaha ka qaadey in Wasiirada ugu tunka waaweyn Golaha xukumada Siilanyo la ogyihiin oo uu u jilciyey ujeedada shirweynaha Qaran ee uu ku baaqey, lana qaateen.

Gudoomiye Faysal wasiirada ay arintaas shirweynaha uu ku baaqey iska arkeen, ee uu u sharaxay, ee uu sheegay inay la qaateen wuxuu ka magac-dhabey Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Samaale oo uu sheegay in markuu u sharaxay uu la qaatey,waxaa kaloo ka mid ah Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku taageeray kolkii ay shirkii Ankara isku raaceen sida ilo xogogaal ahi ka soo xigteen Gudoomiye Faysal.

Sidoo kale waxaa ka mid aha wasiirada uu Faysal sheegay inay shirkaas la qaateen Wasiirka Kallumaysiga Cabdilaahi Cismaan Jaamac Geeljire iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdilaahi Cukuse inkastoo labadan wasiir goor danbe canbaareyn iyo dhaleecayn dusha uga tureen shirweynahaa Faysal ku baaqey,Warbaahintana geliyeen inaanu Faysal qabin Karin shirweyne qaran .

Qarannews

No comments: