04 May, 2013

Ganacsadaha Carbeed ee Xoolaha ka dhoofin jiray Berbera Al-jaabiri oo u wareegay Kililka shanaad


Al-jaabir  oo Heshiis dhoofka Xoolaha ah la saxeexday Xukuumadda Kililka shanaad

al-jaabiriJigjiga(Waaheen) Waftiga ka kooban Maalqabeenada ka Ganacsada Xoolaha ee Dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa shalay ka dagay garoonka diyaaraha ee wiil-waal International Air-port halkaasoo ay madaxda Dawlad Somalida Itoobiya ku soo dhaweeyeen.

Ganacsatada Carbeed ee shalay ka dagtay magaaladda Jigjiga waxa hor kacayay Ganacsade Al-jaabiri, kaasoo Xoolaha ugu badan ka dhoofaya Geeska Afrika gaar ahaana Dekedda Berbera ee Somaliland, Boosaaso iyo Muqdsiho.

Madaxda Kililka ee Ganacsatadaas soo dhaweysay waxay kala ahaayeen Madaxwayne ku xigeenka ahna hogaaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada mudane C/laahi Yuusuf Weerar oo ay wehelinayeen madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka caafimaadka mudane C/fataax Maxamud Xasan,wasiirka madaxtooyada mudane C/casis maxamed Cabdi iyo wasiiro kale oo ay ka mid ahaayeen wasiirka beeraha, wasiirka waxbarashada, wasiirka maaliyada iyo maxadaxa wakaalada maalgalinta DDSI.

Madaxwayne ku xigeenka ahna hogaanka N/galyada maamulka iyo cadaalada mudane c/laahi yuusuf weerar oo warbixin kooban ka siiyay Ganacsatadaasi Deegaankooda ayaa uga waramay  guud ahaan deegaanka iyo ilihiisa Dakhli, wuxuuna tilmaayay In Dawladda Deegaanka Somalida Itoobiya ay tahay meesha ay ku nool yihiin xoolaha ugu tirada badan uguna tayada iyo manaafacaadka wanaagsan geeska afrika, oo uu yahay dhul ILLAHAY ku manaystay nimcooyin kiisa sida khayraadka dabiiciga ee ay ka mid ka yihiin:- wabiyada, macdanta noocyadeeda kala duwan, Fooxa, Xabagta, Malabka, Malmalka, Beeyada, islamarkaana hodan ku ah wax soosaarka Dalagyada Beeraha iyo Dhul daaqsimeedka kaymahaba.

al-jabirDhanka kale Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka caafimaadka mudane c/fataax ayaa isagu si qoto-dheer ugu waramay in xoolaha ugu tirada badan ee ay sucuudigu waligoodba ay ka qaadan jireen Dalalka derisku ay ahaayeen Xoolaha laga keeno Kililka shanaad, iyadoo xoolaha DDSI Caafimaadkooda aad loola socdo lana daweeyo lagana caawin doono ganacsiga xoolaha iyo xidhiidhka Ganacsatada iyo shirkadaha.

Wasiirka beeraha Dr C/qaadir iimaan ayaa warbixin balaadhan oo ka waramaysa xoolaha iyo khayraadka uu leeyahay deegaanku Uga waramay waftigaasi isaga oo tilmaamay wasiirku in xukuumada DDSI ay dadaal dheeriya siisay tayada xoolaha maadaama uu nolosha bulshada intooda badan ay ku tiirsan tahay xoolo dhaqashada, islamarkaana is aan kala go' lahayn loola du ljooga daawaynta iyo talaalka xoolaha nool.

Ganacsatada Sucuudiga ah ayaa iyaguna dhankooda mahadnaq balaadhan ka dib waxay sheegeen in mudo 6 sanno ah oo ay ka dhoofin jireen xoolaha Soomaliya iyo soomaliland ay ogaadeen in tirada uga badan ee xoolaha ee ay dhoofiyaan ay ka yimaadaan deegaanka soomalida itoobiya, sidaasi darteedna ay lagama maar maan noqotay in ay xukuumada deegaanka kala xoojoodaan in si toos ah  uga dhoofsadaan xoolaha DDSI .

kulankan ay yeesheen labada dhinac ayaa la sheegay in uu si fiican u dhacay oo layska afgartay sidii ay xukuumada iyo ganacsatadani uga wada shaqayn lahaayeen dhoofinta xoolaha nool taasi oo wakhti dhaw la bilaabi doono.

Heshiiska Xukuumadda Kililka shanaad iyo Ganacsade Al-jaabiri ayaa saamayn xun ku yeelanaya Dhaqaalihii ay Somaliland ka heli jirtay Dhoofka Xoolahaas, iyadoo doodii ugu adkayd ee Somaliland iyo Itoobiya ku dhex martay Shirkii Hargeysa ku dhex maray labada Dal ay Somaliland arrintaas ka biyo diiday.

Si kasta ha ahaatee Ganacsadaha Al-jaabiri oo Somaliland kula jira Heshiis Dhoofka Xoolaha ah ayay talaabadan uu qaaday noqonaysaa Mid wiiqaysa dhinaca Somaliland, inkasta oo aan la garanay Xoolaha uu Itoobiya u doontay meel uu ka dhoofin doono.

Ganacsade Al-jaabiri ayaa talaabadan sababta ugu culus ee uu u qaaday ay tahay sidii uu Somaliland u wiiqi lahaa dhaqaalaheeda isagoo ka ficil qaadanaya Somaliland oo sanadkii dhawaa ka jartay Kghidmada uu ka qaato Xoolaha Maxjarkiisa mara qadar kooban oo lacag ah, taasoo markaas ku soo beegantay Moosinkii Xajka oo uu waayay fursad tan oo kale ah oo uu kaga diyaar garoobo.

Walow ay Somaliland diidan tahay in ay Heshiis kula gasho Itoobiya in Xoolaha Ganacsadahani doonayo in uu ka soo iibsado Kililka shanaad ay Gor-gortan kala galaan sidii Dekedda Berbera looga dhoofin lahaa, hadana ma muuqato talaabo kale oo ay kula macaamilayso Ganacsadahan Carbeed.

Si kasta ha ahaatee waxa la sugaa waa qaabka ay Somaliland u waajahdo arrintan oo ah mid saamaynaysa dhaqaalaha Dalka oo marka horeba Itoobiya Qaadka ka yimaadaa aad u wiiqay.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65158

No comments: