05 May, 2013

Ganacsatada Somaliland oo ka qayb galaysa Shir Dawladda Turkigu u qabanayso Ganacsatada Somaliya


Rugta Ganacsiga oo iyana ka qayb geli doonta Carwo Turkigu Somalida ugu soo bandhigayo wax-soo-saarkooda

newsHargeysa(Waaheen) Ganacsato Reer Somaliland ah ayaa dhawaan dalka Turkiga kaga qayb gali doonta Shir Dawladda Turkigu u qabsanayso Ganacsatada Somaliya, kaasoo ay kaga dalbanayso in xidhiidh Ganacsi oo dhaw ay la sameeyaan Wax-soo-saarka Dalkooda.

Shirkan Ganacsatada Somaliya lagu casuumay waxa qaban qaabinaysa Dawladda Turkiga waxaanu qorshaha ay ka leeyihiin yahay sidii xidhiidhka labada Dal isugu soo dhawaan lahaa isla markaana u wadaagi lahaayeen wax-soo-saarka labada Dal. Shirkan ayaa ka dhici doona magaaladaa ISTANBUL

Dawladda Turkigu waxa ay Ganacsatada Somaliland ka casuuntay shan iyo toban xubnood kuwaas oo la sheegay in Liiskoodii loo gudbiyay iyadoo dhinaca Somaliyana ay ka tagi doonaan Ganacsato kale oo la martiqaaday, sida ay ilo wareedy lagu kalsoon yahay Waaheen u xaqiijiyeena waxa ay Dawladda Turkigu soo marisay Martiqaadkan Dawladda Somaliya.

Tartanka loogu jirop khayraadka Somaliya ayaa soo dadajiyay in Dawladda Turkigu soo qaban qaabiso shirkan iyadoo dhawaana Dawladda talyaanigu shirk an oo kale ah ay u samaysay Ganacsatada Somaliya, inkasta oo aanay Reer Somaliland kaas ka qayb gelin.

Shirka Dawladda Turkigu u qabanasyo Ganacsatada Soomaaliyeed waxa bar bar socda qaban qaabo kale oo ay dawladda Turkigu ku casuuntay Bnadhig Carwo ah oo ay ka qayb geli doonaan Rugta Xubno ka socda Ruigta Ganacsiga Somaliland kuwaasoo iyana ay Dawladda Turkigu casuuntay.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=65392

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: