27 May, 2013

Maxamed Xudhuun Oo Ku dhaawacmay Shil Baabuur oo ka dhacay Gobolka Awdal

Boorame (Somaliland.Org)- Baabuur uu saarnaa taliyihii hore ee ciidanka qaranka ee Gobolka Awdal Jeneral Maxamed Xudhuun ayaa abaaro casarnimadii maanta ku rogmaday agagaarka buurta EEGU oo u dhaxaysa magaalooyinka TULI iyo GORAYO CAWL.

Baabuurkan uu saarnaa Jananku oo noociisu ahaa Land Cruser, ayaa ka yimid dhinaca Hargaysa ayaa waxa saarnaa Jenaral Maxamed Xudhuun oo kaliya, waxana sida ay dad ka agdhawaa degaankaas oo arkayay markii uu baabuurku rogmaday ay sheegeen in uu soo gaadhay Jananka dhaawac fudud oo dhinaca gacanta ah.

Dadka goobjoogayaasha ah ayaa waxa kale oo ay ka warameen sida uu shilku u dhacay iyo waxii ay arkayeen waxana ay yidhaaheen " Waxa aan markaliya aragnay baabuurka Land cruser ah oo jidka is rogrogaya, kana baxay wadadii, siigo iyo ciid badan ayaa ku xigtay, markaliya ayaa waxa is qabsaday dab ka dhashay baatroolkii baabuurka oo daatay iyo isliskii birta iyo laamiga oo dab ka dhashay, holac xoogan ayaa is qabsaday, mana jirin cid gurmad la soo gaadhay oo aan ahayn dadka degaanka, kumaanaan guulaysan inaan damino, waxana halkaasi ku shuf belay baabuurkii oo uu ka baxay Taliye Janaral XUDHUUN.

Jananka oo aan isku daynay inaan khadka taleefanka kula xidhiidhno ayaanay noo suura galin, balse waxa ay qaar ka mid ah eheladiisa oo aan helnay noo sheegeen in uu fiican yahay dhaawaciisuna yahay mid gacanta ah oo aad u sahlan

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame

No comments: