07 May, 2013

Dooxa Caloola ee Degmadda Laasgeel oo qaaday afar qof oo ka soo laabtay Geeri


Laas-geel(Waaheen) Dooxa Caloola ee degmadda Laas-geel ayaa maanta qaaday afar qof oo ka soo laabtay tacsi ay kaga qayb galeen Dad Danab ku dhacay deegaanka Dacar budhuq.

Breaking NewsAfarta qof oo saarnaa gaadhi ayaa hal qof laga reebay daadkii halka sadexdii qof ee kale ay ku naf-waayeen daadkaas oo ahaa mid xoog badan.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha Waaheen ee Gobolka Saaxil waxa ay sadexda Qof ee uu Daadku qaaday kala yihiin Sacad Cali Maxamed iyo Nadiira Cali Maxamed oo ah walaalo loona yaqaano Ilma Cali Bidaar halka qofka sadexaad magaciisu yahay Xasan Maxamed Jibriil. Sadexda qofba waxa la xaqiijinayaa inay ku Geeriyoodeen daadkaas qaaday.

Ninka kale  ee afaraad ee la badbaadiyay waxa la yidhaahdaa Maxamed Axmed Sugule kaasoo ay xaaladiisu fiican tahay.

Dadkan daadku qaaday ayaa ahaa qoys wada socday waxaanay laba qof ahaayeen walaalo halka qofka sadexaad ee la dhintayna uu ahaa Adeerkood.

Khasaaraha Daadadka ayaa batay sanadkan waxaanu khasaare kala duwan soo gaadhay dad iyo Duunyo labadaba.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=65536

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: