07 May, 2013

Booliiska Berbera oo qabtay gaadiid Dawladda jarmalku leedahay oo mucaawino u siday Laascaanood iyo Puntland


Berbera(Waaheen) Booliska magaaladda Berbera ayaa qabtay afar gaadhi oo xamuul ah oo ay leedahay Dawladda jarmalku kuwaasoo Deeq u sida Laascaanood iyo Puntland.

wwaaGaadiidkan oo ka soo talaabay dhinaca Jabuuti isla markaana soo maray kantaroolada kale ee teedsan magaaladda Berbera ilaa iyo xuduudka Lawyacado balse markii ay Berbera marayeen Boliisku qabsteen iyaga oo ka shakiyay gaadiidkaas iyo mucaawinada ay sidaan.

Afarta Baabuur ayaa ku xidhan saldhiga Berbera halkaas oo ay ku baadhayaan waxa ay Deeqdani tahay iyo sababta loogu gudbinayo Puntland maadaama Somaliland ay qayb ka mid ah deeqdani ku socoto Gobolkeeda Sool.

Wariyaha Waaheen ee Gobolka Saaxil oo warkan goor dhaweyd na soo gaadhsiiyay ayaa sheegaya in afarta baabuur iyo Deeqda saaraniba ay si toos ah uga timi Dalka jarmalka isla markaana ay ka soo gudubtay xuduudka Somaliland iyo Jabuuti oo ay Transit ahaan u soo dhaaftay.

Short URL: http://waaheen.com/?p=65517

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: