07 May, 2013

Xukuumadda oo xalay Qasriga Madaxtooyadda ku yeelatay kulan xaasaasi ah oo ay ku faaqidayeen wax ka qabashada Caqbadaha Dalka ka taagan


Madaxwaaeyne ku-xigeenka oo Madaxweyne Siilaanyo faraqa ugu shubay dhacdooyin uu u sii guntay wax ka qabashadooda

xukuumadaHargeysa(Waaheen) kulan xaasaasi ah oo lagaga hadlay arrimo door ah oo dalka ka dhacay mudadii uu Madaxweyne Siilaanyo Dalka dibeda kaga maqnaa iyo wixii uu la soo guro noqday ayaa xalay ka dhacay Qasriga Madaxtooyadda kaasoo aan war faahfaahsan laga helin.

Kulanka ayaa u badnaa warbixino uu Madaxweyne ku-xigeenku siinayay Madaxweynaha maadaama oo uu u baxayo Saylici safar Dalka Ingiriiska ah isla marakaana uu ka qayb galayo munaasibada 18-ka May, taasoo sababtay in uu dib u dhigo sadex maalmood safarkiisa oo ku beegnaa maalintii uu Madaxweyne Siilaanyo Dalka ku soo laabtay.

Qoddobada ugu muhiimsan ee C/raxmaan saylici Madaxweyne ku-xigeenka Somalialand ku wareejiyay Madaxweynaha waxa ugu cuslaa xaaladka aloosan Gobolka Saraar oo intii uu Madaxweyne ku-xigeenku xilka sii hayay kulamo ay ka yeesheen Xildhibaanada, Madax dhaqameedka iyo hormoodka beesha islana meel dhigeen qoddobada ay u arkaan xalka.

Arrintan oo saamayn ku yeelatay Sahankii shiidaalka ayaa xalay aad looga wadahadlay waxaana lagu wadaa in Xukuumaddu ay u diri doonto wefti culus oo ka kooban Golayaasha iyo dadka aan looga maarmi dooni xalka iyadoo Xukuumadduna qorshihii hore ee ay kula macaamishay dadkaas ee hanjabaada ahayd hoos u dhigi doonto inta laga maarmi waayo.

Qoddobada kale ee xalay Saylici Siilaanyo ku wareejiyay waxa ka mid ah Weerarkii lagu qaaday Wargeyska Hubaal oo Madaxweyne ku-xigeenku xog dhab ah ka sii ururiyay mudadii uu falkaasi dhacay ilaa hada oo uu talada sii hayay balse aanay xukuumaddu waxba ka qaban.

Sidoo kale, khilaafkii Golaha Deegaanka iyo Wasiir Duur ku dhex maray Dhulka Dawladda Hoosde lahayd oo Madaxweyne ku-xigeenku hore ugu riixay in ay labada dhinac la sugaan Madaxweynaha ayaa iyana ka mid ahayd Arrimaha isda gaarka ah xalay la iskugu wareejiyay.

Dhinaca kalana guulihii ay xukuumaddu gaadhay mudadaasi ayay labada dhinac isku macasalaameeyeen iyadoo talaabooyinka Madaxweyne ku-xigeenku sii qabtay ay ka mid ahayd qaybinta mucaawinadii Turkiga halka Madaxweyne Siilaanyo uu warbixino ka siiyay safarkoodii Ingiriiska, Maraykanka, iyo Itoobiya.

 

 

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=65542

--
Sent via http://goo.gl/ShmGM

No comments: