15 May, 2013

Dawladnimaduba Waa Wax La Dilo,Wax La Xidho Iyo Wax La Dalacsiiyo Ninka Dhintayna Waa In La Aaso”Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur

Dawladnimaduba Waa Wax La Dilo,Wax La Xidho Iyo Wax La Dalacsiiyo Ninka Dhintayna Waa In La Aaso"Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur


Hargeysa (Halbeegnews)–14/05/2013– Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo maanta la hadlaayey odayaal reer Somaliland ah oo ugu tagay xarunta wasaaradda arrimaha gudaha in ay wax ka weydiiyaan rabshadahii shallay ka dhacay magaalada Burco ee sababay in ciidamadda RRU-du ay madaxa ka toogtaan nin muwaadin ah oo aan waxba gallabsan oo isagoo goob laga qaxweeyo fadhiya si badheedh ah loo dilay ayaa wasiirku wuxuu difaacay weerarkii ay ciidamadda RRU-du ku qaadeen goobtaasi.

Oday ka mid ah odayaashii wasiirka ku booqday xarunta xafiiskiisa ayaa weydiiyey Duur "Dawladnimada iyo nabadgelyadu ma in askartu dadka laysa miyaanay taasi nabadgelyo darrada sababayn?" ayaa wasiir Duur wuxuu isagoo gacanta taagaya ugu jawaabay "adeer dawladnimadu haddaan cid la dilin, cidna la xidhin, qaarna la dalacsiin ma dawladnima, ninkani dhintay alla ha u naxariisto waa inaad aasataan, wixii kalana waa in aynu iskaga nimaadno" ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur.

Ciidamadda birmadka ee loo yaqaano RRU-da oo iyagu toos uga amar qaata wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa warar soo baxaya maanta sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur uu isagu lahaa masuuliyadda amarka lagu bixiyey in ay tagaan goobtii kooxaha iskaashatada gawaadhida camuuda gura ay banaanbaxa ka samaynayeen oo u dhawayd dawladda hoose ee magaalada Burco taasi oo keenay in ciidankaasi ay rasaas nool dadka ku furaan oo keentay in nin muwaadin ah oo aan ka mid ahayn dadkii banaanbaxaayey ay madaxa ka toogteen wiil yar oo arday ahna lagu dhaawacay.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa wuxuu la mid ahaa mid uu dhawaan sidoo kale u sheegay mudanayaasha aqalka wakiiladda mar ay golahu su'aalo weydiinayeen.

Halbeegnews, Hargeysa

contact@halbeegnews.com

No comments: