15 May, 2013

Xisbiga WADANI Oo Difaacay Guddoomiyaha Xisbiga UCID “Wasiirkii Shallay Faysal La Hadlaayey Ee Eedaynaayey Waxaanu Leenahay Burco Ma Ka War Haysa, Tani Dawlad Maahe Waa Meel Dhimatay Oo Dawladnimadiina Way Ku Dul Burburaysa”

Xisbiga WADANI Oo Difaacay Guddoomiyaha Xisbiga UCID "Wasiirkii Shallay Faysal La Hadlaayey Ee Eedaynaayey Waxaanu Leenahay Burco Ma Ka War Haysa, Tani Dawlad Maahe Waa Meel Dhimatay Oo Dawladnimadiina Way Ku Dul Burburaysa"

Hargeysa (Halbeegnews)–15/05/2013–
 Guddoomiye ku xigeenkii hore ee ururka UMMADDA imikana ka mid ah hogaanka xisbiga WADANI Mudane Cabdirashiid Maxamed Cali  oo ay wehelinayeen afhayeenka xisbiga Wadani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa ka hadlay dhacdadii shallaytoole ay ciidamo ka tirsan RRU-da magaalada Burco ku toogteen qof muwaadin ah oo aan waxba gallabsan.

wadani

Afhayeenka xisbiga UCID Mudane Buuba oo isagu shirka jaraa'id ka hadlay ayaa si toos ah ugu eedeeyey wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur inuu isagu ka danbeeyey dilkaasi ka dhacay Burco "Waxaa caddaan ah oo aan maragba u baahnayn hadalkii wasiirka arrimaha gudahu yidhi maalintii dhawayd ee uu golaha hor yimid wuxuu yidhi dawladnimaduba waa wax la dilo, wax la xidho iyo wax la dalacsiiyo" dilkaasi iyo xasuuqa Burco ka dhacay waxaa masuul ka ah oo ka danbeeyey xukuumadda Siilaanyo in dadka shacabka ah la laayo oo la xasuuqo waxaa ugu wacan hogaan la'aanta haysata dalka iyo madaxweynaha iska seexday oo aan waxbaba ka ogayn dalka" ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADANI Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba

Mudane Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka mid ah hogaanka sare ee xisbiga WADANI oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa difaacay guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe "waxaynu maalintii dhawayd arkaynay wasiirkii warfaafinta oo ka hadlaya kulan uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya oo iska ahayd sallaan caadi ah oo aan waxba ku jabnayn, waxaynu ogayn in wasiirka madaxtooyadu Xirsi uu Dubai kula kulmay wasiirka madaxtooyada ee Soomaaliya, wasiirka warfaafinta ee arrintani waaweynaynaya waxaanu weydinayna ma ka war haya waxaa ka dhacay Burco, dadka la laayay muxuu uga hadli waayey, waxay muujinaysa in xukuumad danaysato ah oo aan dalka iyo dadka u naxayni ina haysato xisbiyada UCID IYO WADANI waxaan usoo jeedinaya inay iskaashadaan sidii dalka loo bad baadin lahaa" ayuu yidh Cabdirashiid Cali.

Hadalka difaacidda ah ee ka soo baxay masuul sare oo ka tirsan xisbiga WADANI ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo labada xisbi mucaarid oo markii hore khilaaf weyni u dhexeeyey ay u muuqdaan inay hadda iskaga soo dhawaanayaan xukuumadda.

Dadka reer Somaliland oo labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADANI u doortay inay mucaarid adag noqdaan iskana kaashadaan danta qarranka ayaa saluugsana in iyagu isku mashquuleen isla markaana fiintu dhex jibaaxaysay muddooyinkii ugu danbeeyey, hogaanka xisbiga WADANI ayaa hore uga mid ahaa xisbiga UCID.

No comments: