16 April, 2013

War-Degdeg Ah: Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Oo Ku Dhintey Weerar Maleeshiyo Beeled

War-Degdeg Ah: Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Oo Ku Dhintey Weerar Maleeshiyo Beeled

Caynabo, April 16, 2013 (Halbeegnews) – Taliyihii Sirdoonka Gobolka Saraar Axmed Caydiid ayaa ku geeriyooday weerar koox Maleeshiyo ahi ku qabsatay Jeelka Magaalo madaxda Gobolka Saraar ee Caynaba.

Marxuum Axmed Caydiid ayaa ku geeriyooday tuuladda Beer mar dhaawaciisa loola soo cararayey dhinaca Magaalada Burco, waxaana Maydkii Marxuumka iyo Taliye ku-xigeenkii Xabsigaasi oo dhawaac ah labada goordhawayd la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Burco.

Sidoo kale waxa dhaawaciisii la soo gaadhsiiyay Cisbitaalka burco Akari ka tirsan Ciidanka Asluubta ee Xabsiga Caynaba.

No comments: