16 April, 2013

Guddoomiyaha Guurtida Oo La Sheegay Inuu Gaashaanka Ku Dhuftay Hindise Ay Ula Tageen Xildhibaanada Beesha Ciise Iyo Kursiga Gudoonka 2aad Ee Loolankiisu Golaha Ruxay Oo Maanta Lagu Kala Calaf Qaadi Doono

Guddoomiyaha Guurtida Oo La Sheegay Inuu Gaashaanka Ku Dhuftay Hindise Ay Ula Tageen Xildhibaanada Beesha Ciise Iyo Kursiga Gudoonka 2aad Ee Loolankiisu Golaha Ruxay Oo Maanta Lagu Kala Calaf Qaadi Doono


Hargeysa, HAATUF –
Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay inuu ku gacmo saydhay dalab xildhibaanada gobolka Selel ee beesha Ciise ay kaga codsadeen in murashaxa beeshooda ee loolanka ugu jira jagada gudoomiye ku xigeenka ku xigeenka labaad ee golahaasi ka banaan uga ololeeyo in goluhu jagadaasi u doorto.

Sida ay Haatuf u sheegeen ila wareedyo u dhun-daloola golaha guurtida ayaa sheegay in maalintii doraad xildhibaanada golaha guurtida kaga jira beesha Ciise oo kulan kula yeeshay gurigiisa ay kaga codsadeen in jagada gudoomiye ku xigeenka labaad ee tartanka loogu jiro uu wax kala qabto sidii jagadaasi loogu dooran lahaa xildhibaan Axmed Daahir Jirde, oo ka mid ah murashaxa beesha Ciise ee jagadaasi isku soo taagay. Waxanay ila wareedyadu intaa ku dareen in gudoomiye Saleebaan ku gacma saydhay hindisahaasi xildhibaanada beesha Ciise, una sheegay in jagadaasi gudoomiye ku xigeenka labaad ay golaha u taalo cidda ay u dooranayaan. Xildhibaanada beesha Ciise ayaa la sheegay in gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ay kula garnaqsadeen in beeshoodu aanay wax saamiya ku lahayn kuraasta labada shirgudoon ee labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada. Dhinaca kale kursiga gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi oo buuxintiisa loolan adagi ka taagan yahay, isla markaana ay isku soo sharaxeen saddex murashax oo kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, Maxamuud Xareed Rooble iyo Axmed Daahir Jirde oo golaha uu kaambaynkiisu ruxay labadii maalmood ee u dambeeyay, ayaa goluhu fadhigiisa maanta si rasmiya u dooran doonaa xubinta ku fadhiisanaysa kursiga gudoonka labaad. Jagada gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha guurtida oo ay si weyn ugu loolamayaan Md Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf iyo Md Xareed ayaa loo saadaalinayaa codadka xalay la kala tirsanayay in murashax Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ku horeeyo, taas darteedna la saadaalinayo in jagadaasi uu ku guulaysto.

 

No comments: