14 April, 2013

Breaking News: Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Xildhibaan C/Raxmaan SOLTELCO U Doortay Maayor Cusub Ee Caasimadda


Breaking News: Golaha Deegaanka Hargeysa Oo Xildhibaan C/Raxmaan SOLTELCO U Doortay Maayor Cusub Ee Caasimadda

Hargeysa, April 14, 2013 (Halbeegnews) – Golaha Deegaanka Caasimada Somaliland ee Hargeisa oo saaka iskugu yimid fadhi ayaa doortey Maayor Cusub Kadib Markii Duqii hore ee Caasimada Ilaahay ha u naxariistee Eng. Yusuf Warsame Saciid ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta.

Golaha Deegaanka Caasimadda ayaa daqiiqado ka hore u doortay Maayarka cusub ee Caasimada Hargeisa C/raxmaan Maxamed Caydiid (SOLTELCO) oo ahaa murashaxa kaligii u taagnaa jagada Mayarnimada, Waxaana madasha ka soo xaadiray 24 xildhibaan oo intuba si aqlabiyad leh ugu codeeyay Mayorka Cusub.

Sidoo kale Madasha lagu dooranayey Maayarka cusub ayaa waxa ku sugnaa Wasiirka Arimaha gudaha oo hambalyeey doorashada mayorka cusub iyo Maayor ku xigeenka caasimada oo isna hadal koobaan madasha ka jeediyay.

Halbeegnews/Hargeysa Office.

 

No comments: