14 April, 2013

Aqoonyahan Jaamac Jiir oo lagu xukumay Lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed

Aqoonyahan Jaamac Jiir oo lagu xukumay Lix bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed

Hargeysa(Waaheen) Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta lix bilood oo xadhig ah iyo lix boqol oo kun oo ganaax lacageed ah ku riday Aqoonyahan Jaamac Jiir oo ay Xukuumaddu u xidhay maqaal uu ka qoray.

Aqoonyahan Jiir oo Waaheen la soo xidhiidhay isagoo Maxkamadda ku sugan ayaa sheegay in Jeelka loo dhaadhicinayo isla markaana Xukunkaas lagu riday.

Hore waxa ay Maxkamaddu Hal sano oo xadhig ah ugu riday Sheekh Maxamuud C/laahi Geelle iyo haweenay farriimo u dirtay madaxtooyadda, waxaanay xukunadani noqonayaan kuwo u quus goynaya dadka wax ka qora Xukuumadda.

Short URL: http://waaheen.com/?p=63733

No comments: