13 March, 2013

Xildhibaano Wasiir Xaglo-toosiye Ku Eedeeyay Inuu Ku Bedalayo xildhibaano Digreeto Lagu Magacaabay

Xildhibaano Wasiir Xaglo-toosiye Ku Eedeeyay Inuu Ku Bedalayo xildhibaano Digreeto Lagu Magacaabay

Gacan ka hadal dhex maray xildhibaano doonayey inay shalay ku shiraan xarunta Maamulka ee Gobolka Togdheer

 xagloBurco(Waaheen) – Qaar ka mid ah Golaha Deegaanka Buuhoodle iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer ayaa shalay Shir Jaraa'id oo ay ku qabteen Magaalada Burco eedayn ugu jeediyay Xukuumadda, Xisbiga Kulmiye iyo wasiirka wasaarada Dib u dajinta  Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) kaas oo ay ku eedeeyeen inuu doonayo in uu Golihii deegaanka ee Degmada Buuhoodle ee ku yimid sharciga iyo Doorshada uu doonayo inuu ku badalo qaar uu Digreeto ku magaacabay oo ay isku reer yihiin.

Sirkan Jaraa'd ee ay Xildhibaanadu qabteen Xarunta maamulka Gobolka Togdheer Horteeda, oo ay shalay subax u balansanaayeen in lagu qabto Kalfadhigii Koowaad ee Golaha Deegaanka Buuhoodle Isla markaana uu qabsoomi waayay ka dib markii Buuq ka dhashay Xildhibaano iska soo horjeeday oo ay qola waliba ku doodaysay inay iyagu shaci yihiin taasina ay keenatay inay Gacanta isa saaraan laba Xildhibaan ka mid ah Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle.

Xildibanada eedaynta Xukuumadda u jeediyay  oo arimahaas ka hadlayana waxa hadaladoodii ka mid ahaa "Anigoo Ah Xildhibaan C/casiis Maxamed Cali, waxaanu ka cabanaynaa  haddii aanu nahay Xildibaanada Golaha Deegaanka Buuhoodle, Wasiirka Dib u dejinta oo doonaya inuu keeno Xildibaano uu soo magacaabay, anaguna waxaanu nahay Xildhibaano Sharciya oo waxaan ka soo baxay Xisbiga UCID oo waxaanu ku nimi doorasho"

Maxamed Cali Dirir oo isna sheegay inuu ka soo baxay Xisbiga WADDANI ayaa yidhi "Waxa lanagu qasbayaa Maayar ay doonayaan qoladan dawladda ahi, anigu Xisbiga Waddani baan ka soo Baxay, Markii aanu Gudaha Xarunta Gobolka Galay ayaa Dibada lanoo soo saaray, waxaana la sitaa Liis wasiir soo qoray oo ay ku qoran yihiin Lix qof oo Beeshiisa ahi, Anaguna Halkan Afar Xildhibaan baanu nahay oo sharci ku soo baxay  waxaanu haysanaa waraaqihii Maxkamada iyo kuwii Gudoomiyaha Komishanka Guud Ciise Xamari.

Yuusuf C/laahi Maxamuud  (Hangool) ayaa isaguna yidhi "Anigu waxaan ahaa Mayar ku Xigenkii hore ee Buuhoodle Waxaan  ka soo baxay Xisbiga Kulmiye, Xildibaanadii sharciga ahaa ee soo baxay dibada ayaa loo saaray, qaar kale oo suuqa xalay Buuhoodle looga soo  yeedhay, waana Xaglo toosiye dad reerkiisa oo uu soo urursaday. waxaan leeyahay wixii Xildhibaano ah waxa shaqo ku leh Komishanka iyo Xisbiyada Maxkamada, raggan intaas midna soo marin baa  meesha lasoo fadiisiyay"

Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer Shaakir Baashe ayaa isaguna Arintan ku Tilmaamay Mid la Doonayo in dhibaato dalka lagaga abuuro, waxaanu isagoo arintaas ka hadlayana yidhi "Arinta aanu halkan kaga hadlayno waa arin la doonayo in dhibaato lagu abuuro oo waddanka oo dhan saamaynaysa, Buuhoodle ilaa meel walba, Anaga Xisbi ahaan waxa  noosoo baxay Xildibaan C/Casiis  oo Xildhibaanadu waxay kus oo baxeen si sharci ah oo Isxanbaar ah oo toddoba Xildhibaan oo qori lugud kasoo baxay ayay liiska kalena ku daba  qoraayeen, Wasiiradu waxay maamulaan Xisbigooda iyo dawladda ee hadday sidaas ka dayn wayaan oo ay wax dhaqdhaaqjiyaan anaguna waxbaanu dhaqdhaqaajin doonaa"

 

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=61434

No comments: