13 March, 2013

Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Mashruuc Hab Casri Ah Biyo La Cabo Lagaga Xidhayo Dooxa Galbeedka Hareysa/ Daawo Sawiradda


Madaxweyne-Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Mashruuc Hab Casri Ah Biyo La Cabo Lagaga Xidhayo Dooxa Galbeedka Hareysa/ Daawo Sawiradda

Hargeysa, March 12, 2013 (Halbeegnews) - Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, ayaa maanta soo kormeeray mashruuc ballaadhan oo hab casri ah biyo xadheen lagaga samaynayo dooxa Maroodi-jeex ee galbeedka Magaalada Hargeysa, kaas lagu waraabiyo dadweynaha xaafado ka mid ah caasimadda oo biyo la'aan baahsan wehel u ah.

Sidoo kale Habkan biyo-soo-saar oo laga hirgelinayo duleedka tuulada Xaraf ayaa loo isticmaalayaa farsamo hindisaheedu dalka ku cusub yahay oo ka samaysan waadi laga garab jeexay dooxa wayn oo dherer ahaan cabbirkiisu dhan yahay 330M hoosna dhulka loo qoday qiyaas dhan 10M kadibna la dhex dhigay tuunbooyin waawayn oo qabanaya, sifaynayana biyaha roobka ee dooxa maraya oo ku shubaya ceel sabbad laga dhigay oo jooggiisu yahay 10M oo qaadaya 500 Foosto iyo weliba goob biyaha ku tuuraysa dhuumo waaweyn oo iyaguna ku shubi doona berkad lagu kaydiyo oo laga qodayo agagaarka xaafadaha Ayax1, Ayax2 iyo Ayax3 ee Koonfurta Hargeysa oo iyaga dadka ku nool loogu talogalay in biyahaasi laga waraabiyo.

Mashruucan oo socday muddo laba bilood ah oo ay ku kacayso lacag xaddigeedu yahay $800,000 (siddeed boqol oo kun doollar) oo ay hormood ka tahay Wakaalladda Biyaha Hargeysa oo kaashanaysa hay'adaha UNICEF, TS (Terre Solidali) iyo shirkadda Coca-Cola qaybteeda Somaliland ee SBI, waxa lagu wadaa inuu xilli roobaad kasta kaydiyo biyaha dooxa maraya, kuwaas oo ugu yaraan muddo 8 bilood ah maalin walba soo saaraya 5000 foosto oo ay ka faa'iidaysan doonaan dad lagu qiyaasay 80,000 (siddeetan kun oo qof) oo ku nool saddexdaasi xaafadood ee danyarta ah.

Eng. Khaliif Cabdillaahi oo ka mid ah injineerrada Wakaallada Biyaha Hargeysa oo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo masuuliyiinta wehelinayey u sharraxay mashruucan ayaa sheegay inuu yahay mid lagu qabanayo biyaha roobka ee dooxa maraya iyadoo la isticmaalayo farsamooyin casri ah si loo sifeeyo kadibna loo cabo.

Maareeyaha Wakaallada Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in biyaha lagu qabanayo mashruucani ku xidhan tahay kolba inta quwadda roobka da'aa le'eg tahay oo marka uu badan yahay maalinta keliya laga qaadi karo 1000MK biyaha ah, isagoo xusay in biyahan loogu talogalay saddexda xaafadood ee Ayax1, Ayax2 iyo Ayax3 ama (Sheekh Cumar) oo ay ku noolyihiin dad fara badan oo isugu jira qaar laga raray xaafado magaalada ku dhexyaal iyo kuwa ka soo laabtay xeryaha qaxoontiyada ee dalka Itoobiya.

"Mashruucan intiisa badan waxa fulinaysa Wakaallada Biyaha Hargeysa, farsamo ahaan waxa naga caawisay hay'adda TS, dhuunta biyaha qaadaysa ee berkadda kayd ee magaalada ku shubaya waxa bixinaysa hay'adda UNICEF, taas oo la soo iibiyey oo aannu filayno in toddobaadka ugu horreeya bisha soo socota ee April inuu na soo gaadho, berkadda kaydka ee biyaha lagu shubayana iyo kaalmaha laga cabayo waxa bixinaysa shirkadda Coca-cola oo ay ka wakiil tahay shirkadda SBI.

Mashruucan biyaha lama gelinayo guryaha laakiin waxa xaafadaha dhexdooda laga samaynayaa kaalmo ilaa 15 ah, waxaannuna rajaynayaa oo qorshahayagu yahay in mashruucan badhtamaha bisha soo socota ee April uu dhammaado oo roobka ugu horreeyaa marka uu da'o biyihiisa laga cabbo, isla markaana laga faa'iido doono ilaa kumaanka sanno ee soo socda," ayuu yidhi Maareeyahay Wakaallada Biyaha Hargeysa Mr. Ibraahim Siyaad Yoonis.

Wasiir-ku-xigeenka Macdanta iyo Biyaha Cabdisalaan Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu taageero dhaqaale iyo mid farsamaba kaga qaybqaadanayso hirgelinta mashruucan. Waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyey maamulka Wakaalada Biyaha ee hawshan suurtogaliyey iyo hay'adaha ay iskaashiga kala sameeyeen ee taageerada ka gaystay.

Ugu dambayn Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo madashaasi ka hadlay, ayaa maamulka Wakaalada Biyaha Hargeysa ku boorriyey hawshan ballaadhan ee ay qaybteen, waxaannu sheegay in mashruucani wax badan ka tari doono biyo la'aanta caasimada Hargeysa, "Wakaallada Biyaha waxaan ku ammaanayaa mashruucan biyo ballaadhinta ah ee ay sameeyeen oo wax badan ka tari doono biyo la'aanta baahsan ee ka jirta Caasimada Hargeysa, kaasoo haddii uu waraabiyo saddex xaafadood oo ka mid ah dadkii danyarta ahaa faa'iido badan soo kordhinaya," ayuu yidhi Md. Saylici.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenk iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha oo ay wehelinayeen wasiirrada Arrimaha Gudaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, ayaa kormeerkaasi kadib waxay dhagax dhigeen berkadda lagu kaydinayo biyaha laga qabanayo dooxa oo 5KM u jirta meesha biyuhu ka imanayaan, taasoo iyaduna biyaha u qaybin doonta kaalmo biyoodyo loo samayn doono xaafadaha loogu talogalay.

Halbeegnews/Hargeysa

No comments: