24 March, 2013

Wasiirku Dawlaha Maaliyada oo Faahfaahin ka bixiyey Shirka Dhawan la fiilayo in uu dalka ka qabsomo oo ah mid Tallo Qaran ah.(HALKAN KA DHEGEYSO).

Wasiirku Dawlaha Maaliyada oo Faahfaahin ka bixiyey Shirka Dhawan la fiilayo in uu dalka ka qabsomo oo ah mid Tallo Qaran ah.(HALKAN KA DHEGEYSO).


Hargeysa(Waaheen) Wasiiru-dawlaha Maaliyada ee Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa ka hadlay Shirka Dhawaan la fillayo in uu ka qabsomo magalada hargeysa, Shirkan oo la sheegay in uu madaxweynaha Somaliland uu Casuumadiisa uu fidiyey oo uu yahay mid taallo qaran lagga yeelanyo Arrimaha Siyaasaded ee wadanka gaar ahaan Shirka wadda hadalada Somaliland iyo Somaliland, shirkan ayaa la filayaa in ay isku yimadan Qurbajooga, Aqoonyahanad iyo Siyaasiyinta Somaliland.

Wasiiru-dawlaha Maaliyada Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa Sheegay in madaxweynaha Somaliland uu Cid kasta oo uu u arko in ay ka qaybqadan karto hawlaha qaranka in madaxweynuhu wax ka waydiin karro  Waxanu  yidhi ."Siyaasada Qaran Haddii ay Noqoto mid Gudde iyo mid Dibadeedba wax loo igmaday madaxweynaha Somaliland, madaxweynuhuna cid alle iyo cidii uu wax bido haddii ay noqoto siyaasad arrimo dibadeed iyo haddii ay noqoto mid beeredba, ama Ganacsi wax alle iyo waxay doonto hanoqoto siyaasadaasi, marka madaxweynuhu cid alle iyo cidii Somalilander ah ee uu ku tuhmo Khabiirnimo wuu kala tashanayaa."Ayuu yidhi

Intaasi wax uu ku daray. "dadkeenu marka la leeyahay Tallo Qaran waxay u arkan in saddex Qolo uun la leeyahay, ta ah dhinca dawlada ee fulinta , iyo labbada golle barlamaan iyo Xisbiyada, marka madaxweynuhu cid kasta oo aqoon u leh wax wakhtigaasi tagan wuu kala tashanayaa meel alle iyo meeshu doono qofkaasi ha jooge, arrintani kama duwan tii waligeedba madaxweynuhu uu kala tashan jiray shacabkiisa."Ayuu yidhi Wasiirudawluhu.

Short URL: http://waaheen.com/?p=62204

No comments: