24 March, 2013

wasiirka maaliyada oo isuduweyaal u soo magacaabay qaar ka mid ah gobolada Dalka J.S Somaliland


wasiirka maaliyada oo isuduweyaal u soo magacaabay qaar ka mid ah gobolada Dalka J.S Somaliland


Hargeisa(Waaheen)wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland mudane c/casiis maxamed samaale ayaa manta soo saaray wareegto uu ku magaacabayo isuduwayaal 5 ka kooban taasi oo ay keentay baahi loo qabay magacaabista isu duwayaashan oo ana hore u jirin.

Gobolada loo magacaabay isuduwayaasha waxay kala yihiin sidan.

Gobolada Awdal iyo Salal waxa loo magacaabay Hal isu duwe

Gabilay iyo Hawd waxa loo magacaabay Hal isu Duwe

Gobolada Togdheer Saraar iyo Odweyne waxa loo Magacaabay Hal Isu Duwe

Halka Gobolada Sool iyo Sanaag-na loo Magacaabay Hal isu Duwe

wasiirka wasaarada maaliyada somaliland cabdi casiis maxamed samaale ayaa manta sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey shaqaalaha ka hawlgala waaxaha kala duwan ee wasaarada maaliyada.

wasiirka oo u soo magacaabay cumar xasan caalin maamulihii hore ee kastamka kalabaydh inuu noqdo isuduwaha wasaarada maaliyada ee gobolka gabiley iyada oo xilkiina laga qaaday maamulihii kastamka degmada tog wajaale maxamed xaaji mahdi iran laguna soo badalay nin ka soo jeeda gobolka maroodijeex.

Short URL: http://waaheen.com/?p=62236

No comments: