24 March, 2013

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Shaaca Ka Qaaday In La Eryeyo Augustine Mahiga, Xafiiskiisa UNPOS Ee Qaabilsan Siyaasadda La Baabiinayo


Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Shaaca Ka Qaaday In La Eryeyo Augustine Mahiga, Xafiiskiisa UNPOS Ee Qaabilsan Siyaasadda La Baabiinayo


Hargeysa, March 24, 2013 (Halbeegnews) – Wasiirka qorshaynta iyo xidhiidhka hay'adaha Dr.Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay bedeli doonto ergaygeeda hadda u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Danjire Augustine Mahiga, islamarkaana la baabiin doono xafiiska UNPOS ee qaabilsan siyaasadda lana samayn doono xafiis kale oo ka sal balaadhan.

Wasiir Sacad, oo shalay wabaahinta u waramay, ka dib kulan uu la yeeshay wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dalka yimid, wuxuu sheegay inay Qaramada Midoobay doonayso inay midanayso hawlahooda ay ka wadaan Somaliland iyo Somaliya. Waxaanu sheegay in xilka Danjire Mahiga loo magacaabi doono masuul kale. Waraysigaas uu Geeska Afrika la yeeshay wasiirka qorshayntu wuxuu u dhacay sidan:

Mudane wasiir waxa jiray kulan aad la qaadatay wefti xoogan oo ka socday qaramda midaabay bal kulankaas faah faahin naga'siiyey Waxay ahaayeen guddi ilaa sodan qof ah markaas gabadh ayaa hogaaminaysay ah ku xigeenka qaybta Afrika ee xafiiska amuuraha siyaasada, markaas waaxyo badan oo UN-ka ka mid ah ayay isugu jireen, waxaanay yidhaahdeen qastigayagu waxa weeye waxaanu ku samaynaynaa dib u habayn xafiiskii la odhan jiray UNPOS, waana xafiiskiii uu joogi jiray ergayga Qaramada Midoobay Mr. Mahiga oo isaga waa la baabiinayaa, waxaana lagu badalayaa xafiis kale oo waxa uu yeelanayaa xilal ka balaadhan xafiiskii hore oo waxay doonayaan inay isku keenaan hawlahooda ku saabsan dhulkii laysku odhan jiray Somaliya oo dhan si maamulkoodu uu u noqdo mid tayaysan, markaa qof ayaa loo magacaabayaa xilka guud ee xafiiskaas la samayn doono, waxaanu qofkaasu qaban doonaa xil ka balaadhan kii Mahiga.

Xafiiska uu qofkaasu fadhiisanayo waxaan sheekadooda ka fahmay waxa uu noqonayaa Xamar, laakiin halkan waxaanu ka furanaynaa xafiis ka weyn ka aanu ku leenahay imika ayay yidhaadeen. Markaas waxa aan waydiiyay dib u habayntan cusubi siday noo saamaynaysaa anaga, macnaheedu ma waxa weeye mucaawinada nala siiyo ayaa yaraanaysa, mise waxii kasta ee nala siinayo waxa laga soo saxeexayaa madaxda Somaliya? Waxay igu yidhaadeen, maya, oo intii laydin siin jiray laydinka yarayn maayo ujeedaduna maaha in Somaliland wax la yeelo, mucaawinadana waxa loo qaybinayaa marba sida loogu baahan yahay, laakiin xaqiiqdu waxay tahay anagu UN ayaanu nahay oo waxaanu ictiraafsanahay dawlada ka jirta Muqdisho taasina maaha wax cusub ee waa wax waligeedab jiri jirtay, halkana waxaanu ka furanaynaa xafiis kii hore ka weyn oo ka adag waxaanay dantu idiinku jirtaa inaad xafiiskaas la shaqaysaan iyo qofka cusub ee loo magacaabi doono xilka guud. Markaas wax si xun inoo saamaynaya oo cusubi ma jiraan.

Waxa jira wasiir warar sheegay inay qaramada midoomay ku wado inay xafiisyadeeda Muqdisho wada gayso wax arimhaas ku saabsan ma idinka kala hadleen?

Runtuna waxa weeye wacyigii waa uu is badalay dhulkii Somaliya laysku odhan jiray haay'adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya waxay deganaan jireen Nayroobi markaas kolay Nayroobi waa laga rarayaa ayaan filayaa oo waa waxyaabaha sal balaadhinaya xafiiskan.

Xubnahan UN-ka ka socday ee ay tiradoodu badnaayeen xukuumadu may soo dhawayn arintaas oo loo arkaayay in xukuumadu meeqaamkooda hoos ugu dhigaysay arimhaas maxaad ka leedihiin?

Mayee warkooda hore ayay noogu soo direen waxay dadku heleen garan maayee, runtiina uma malaynaayo inay xukuumadu ugu talo gashay in lagu xumeeyo ee waxa uunbaa isku dhacay tagitaankii madaxweynaha iyo imaatinkoodii, inaguna cidna eryi mayno.

Marka laga tago kulnka aad waftigan qaramada midoobay ka socday la qaadatay ma jiraan masuuliyiin kale oo ay la kulmayaan intay joogaan?

Horta bari (Maanta) ayay dhoofayaan, imikana aniga iimay wada imane qayb ayaa ii timi waxaanay igu yidhaadeen intii kale waxay ku maqan yahiin xafiisyo, aniga horaantayna waxay soo mareen wasaarada khaarajiga oo ay kula kulmeen wasiir ku xigeenka iyo wasaarada arimaha gudaha oo ay kula kulmeen wasiir ku xigeenka, waxaanan filayaa inay cid kalena arkayaan.

No comments: