24 March, 2013

Wasiir Ku-xigeenka Wasarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland oo Beeniyey In Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland Degeni ay Muqdisho u Guurayaan.

Hargeysa (Waaheen) Wasiir Ku-xigeenka Wasarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland Md.Mawliid Maxamud Ibraahin ayaa Sheegay in aanay Waxba ka jirin Warar ay Warbaahintu ay Qortay oo ku saabsana in Hay'adaha UN-ta ee Xafiisayada ku leh Somaliland ay u guurayaan Maglada Muqdisho ee Somaliya.

Balse Wasiir ku-xigeenku wax uu hoosta ka Xariiqay in la Baabi'inayo  Xafiiskii UNPOS ee Somaliland iyo Somaliya ay ku lahayd, waxanu sheegay in UN-tu ku soo badalanyso Xafiis ka Darajo sarreya oo ah mid Go'aan Qadashooyin leh, kana Duwan Xafiiskii Somaliland iyo Somaliya hore Qaramada Midoobay ugu lahayeen.

Siddasi wax uu ku sheegay mar uu xafiiskiisa Maanta Ugu Waramayey Warbaahinta.

Wasiir Ku-xigeenka Wasarada Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland Md.Mawliid Maxamud Ibraahin oo arrimahasi ka hadlayaa Waxanu yidhi. "Runtii ma jirto Xafiisyo ay UN-tu leedahay oo dalka ka Guuraya oo Muqdisho Degaya, Runtii Waftigaasi dalka yimidna waanu ka waddo hadalnay In si siman oo labba Dawladood ah ay noola shaqeeyan, oo wixii xidhiidh aha ay sidaasi aanu ugu waddo shaqayno, runtii fikirkaasina way nala qaateen, waxanuna u sheegnay in aanan ogolanaynin in Somaliyan Xafiis laga furro Somaliland aan laga furin, marka arrimahasi waanu u cadeynay, madaxweynaha Somaliland hore ayuu u cadeyey in haddii shirka London ay iyagu Guddominayn aynaan ka Qaybgalaynin Sidaasi daradeed  wixii xafiis ah ee Muqdisho laga furro Somaliland ma Khusaayo."Ayuu yidhi

 

Dhinca kalena Wax uu ka hadlay "Run ahaantii Xafiiska Qaramada Midoobay ee la yidhado UNPOS Somaliland iyo Somaliyana wuu ku yaalay, Waxayna Waftigu noo sheegen in marka bisha June ay gaadho, xafiiskaasi la baabi'indoono, oo mid kale oo cusub la furridoono oo loo bixiyo magac kale, xafiiskaasi wax uu noqon doona mid si dhaw dawaldaha caalamka ula shaqayndoona, runtii waftigaasi wax aanu kala hadalnay oo ay noo sheeg in xafiiskaasi uu noqon doono mid ka sareeya ka imika, oo ka awood badnaan doona oo xidhiidh badan la sameyn doona dawaldaha,marka waxay naga codsadeen in wixii tallo ah ku soo biirino iyaga, runtii waftigaasi waxay  kulmeen  afar wasaradod oo dawlada ah, Galinkii danbe ee shallayna waxay la kulmeen Haya'daha iyo ururada aan dawliga ahayn waxayna kala hadlayen hawlaha ay qabtaan."Ayuu yidhi Wasiir Kuxigeenku.

 

Short URL: http://waaheen.com/?p=62275

No comments: