24 March, 2013

Taliyihii Ciidanka ilaaladda Xeebta Conqor ee gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday

Taliyihii Ciidanka ilaaladda Xeebta Conqor ee gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday

nnConqor(Waaheen) Taliyihii Ciidanka ilaalada xeebta Conqor ee Duleedka Ceerigaabo Ismaaciil Ibraahim Dhunkaal ayaa xilkii laga qaaday kadib markii uu waraysi uu Wargeyska Waaheen siiyay ku sheegay Taliyayaasha Baraha Ciidanka ilaaladda Xeebuhu inay wakiilo u yihiin Doonya sida sharci darada ah uga Kalluumaysta Badda Somaliland.

Sidoo kale waxa uu Taliyaha xilka laga qaaday waraysigaasi ku Eedaynayay Ciidanka ilaaladda Dekedda Maydh oo ka kaxaystay aafar doonyood oo Kalluumaysato Yamani ah oo ugu xidhnaa Dekedda Yare e uu ka taliyo ee Conqor, kuwaasoo uu ugu hanjabay inuu weerari doono haddii ay u soo dayn waayaan doonyahaasi.

Xilka qaadista Ismaaciil Ibraahim Dhunkaal ayaa timi kadib markii Taliye ku-xigeenka Ciidanka ilaalada xeebuhu ka cadhooday waraysigaasi, kaasoo uu u arkay in uu ku fashiliyay Sir Ciidan oo aan haboonayn in uu isaga oo Taliye ah u bandhigo saxaafadda.

Short URL: http://waaheen.com/?p=62252

No comments: