24 March, 2013

Weftiga Somaliland ee ku sugan Imaaraadka Carabta oo la kulmay wasiirka Madaxtooyadda Dalkaasi

Weftiga Somaliland ee ku sugan Imaaraadka Carabta oo la kulmay wasiirka Madaxtooyadda Dalkaasi

mansDubai(Waaheen) Weftiga Somaliland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa manta la kulmaya Wasiirka Madaxtooyadda Imaaraadka Carabta Sheekh Mansuur binu saa'id kaasoo ay ka wada hadleen Iskaashi labada Dal hore u wada galeen sidii loo fulin lahaa.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Wasiirka uga mahadnaqay Martiqaadka uu Dalkiisu u fidiyay waxaanu u bandhigay baahiyaha ka jira Somaliland ee ay u baahan yihiin in wax laga qabto kuwaas oo uu ka xusay Waxbarashada, Jidadka, Ganacsiga iyo Dekeddaha, isagoo xusuusiyay in Xukuumad ahaan ay uga marti yihiin sidii kaalmo looga siin lahaa dhinaca Biyaha oo uu sheegay in Mashruuc biyo galin ahi Somaliland ka socda balse u baahan dhamaystir, iyaga oo hore ugu balan qaaday.

Wasiirka Madaxtooyadda Mansuur binu saa'id ayaa weftiga Somaliland uga mahadnaqay sida ay u aqbaleen martiqaadkii ay u fidiyeen, waxaanu Weftiga Somaliland ka aqbalay codsiga ay u soo jeediyeen dalkiisa, isagoo u bandhigay inay soo eegtaan Dugsiyada ay u baahan yihiin eek a dhisan Dalka Imaaraadka si noocooda oo kale loogu dhiso.

Warkan waxa warbaahinta Dawladda ka sheegay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan oo ka mid ah xubnaha weftiga Madaxweynaha Somaliland hogaaminayo ee booqashada ku jooga Imaaaraadka Carabta.

Short URL: http://waaheen.com/?p=62247

No comments: