13 March, 2013

Shir Jaraa’id:Duurow Habeen Xun Baad Dhalatay Ku Odhan Mayo Ee Waxaan Ku Leeyahay Habeen Xun Baa Lagu Magacaabay!


Shir Jaraa'id:Duurow Habeen Xun Baad Dhalatay Ku Odhan Mayo Ee Waxaan Ku Leeyahay Habeen Xun Baa Lagu Magacaabay!
Shir Jaraa'id:Duurow Habeen xun baad dhalatay ku odhan mayo ee waxaan ku leeyahay habeen xun baa lagu magacaabay!

Hargeisa--Xildhibaanada Golayaasha Somaliland ( Guurtida iyo Wakiilada) ugu jira beesha Ciise qaar ka mid ah oo shir jaraa'id u qabtay si wadajira ayaa si ba'an u ugu eedeeyay wasiirka arimaha gudaha Maxamed Caraale Duur inuu masuul ka yahay hurinta xiisadaha colaadeed ee oogan ee ka dhashay doorashooyinkii xisbi-xaakimka Kulmiye iyo xukumada Siilanyo ku shubteen Siiba degaanada Galbeedka Somaliland ee Saylac iyo Lughaya.

Ugu horeyn Xildhibaan Jirde oo ka tirsan golaha Guurtida ayaa soo qaatey sheeko xariir xikmadaysan oo uu ku duraayey Wasiir Duur wuxuuna yidhi " Nin berri meel madax ka ahaa ayaa arinkuu galaaba wuu qarxaa oo holac ayaa ka kaca,dabadeedan oday ka mid ahaa odayaashii degaanka ayaa u yimi oo ku yidhi Hebelow mar walba waad xaydan tahay arintaad is tidhaahdo furdaamina wey ka sii dartaaye horta reekaad tahay,yaad ka sii tahay? markaasuu ku jawaabay reer Hebel,markaasuu odaygii yidhi walaahi waa reerihii talin jiray, oo reer Abtigaana? Markaasuu yidhi reer Hebel,wallee iyaguna waa reerihii caqliga lahaa.dabadeedna odaygii ayaa ku yidhi ninkii madaxda ahaa waar ninyaow tol xuna ma lihid,Abti xuna ma lihide ee ma habeen xun baad dhalatey!.wuxuuna jirde xikmadiisu ku soo af-jaray Duurow anigu ku odhan mayo habeen xun baad dhalataye waxaan ku leeyahay habeen xun baa lagu magacaabay!.

Xil.Jirde wuxuu ku eedeeyay wasiir Duur intii uu wasiirka arimaha gudaha ahaa shaqaaqooyinkii iyo dilalkii dalka ka dhacay inaanu waxba ka qaban ama ku fashilmay xalintooda, wuxuuna tusaale u soo qaatey dhacdadii Ceerigaabo oo uu sheegay inaanay weli dhamaan,tii Wershada Kabista oo uu sheegay inay weli taagan tahay,dhacdadii Ceelberdaale oon weli fari ka qodnayn,Shaqaaqadii Axmed Dhagax oo maaro loo la yahay iyo Tii Yaylac oo iyana weli taagan .

Xil.Jirde wuxuu dhacdooyinka iyo shaqaaqqoyinkii dalka ka dhacay u kala qaadey labo ,kuwo Bari iyo kuwo Galbeed ,wuxuuna yidhi Wasiir Duur ta bariga Tolkii si qaboow ayuu uga hadlaa ,halkuu ta galbeed hanjabo,gacan biraan wax kaga qabanaynaa iyo nabadgelayada cidna u daba fadhiisan mayno iyo wax la mida hurgufo oo xaalada sii murgiyo,wuxuuna intaas ku daray Xildhibaan Jirde in hanjabadaas iyo digdigtaasi Duur la mid tahay tii Dawladii Siyad Barre gafuurka u riday.

Dhinaca kale wuxuu Xidlhibaan Jirde ku eedeeyay Duur inuu dad iska fadhfadhiya Saylac gudaheeda ku amray ciidankiisu inay xabad la dhacaan oo laayaan,wuxuu kaloo sheegay in Xariirad ciidamadu u diray inay labada dhinac ee is hayey kala dhax galaan uu ku haddana ku amray inay beesha Ciise weeraraan.

Dhinaca kale Xildhibaan Araaye oo ka tirsan Golaha wakiilada ayaa isna wasiir Duur duray wuxuuna yidhi "Wasiir Duur oo aan aniguKaddare u aqaano oo galaba meel ololiya ayaa tegay Saylac, waanu ka daba tagnay ,markuu muddo meeshaa joogay ayuu noo yeedhay, wuxuuna yidhi wax kale idin ma hayo ee waxaan idiin hayaa Mayar ku xigeenka Saylac. Wuxuuna Xildhibaan Araaye sheegay inaanay yaqiinsan arintaas, Duur-na u sheegeen inaan waraaqo yaryar oo lagu gurtay sanduuq laga qaadi Karin dhul ay curadoodii u gawracaeen, oo Oroma iyo Gaallo ka kiciyeen .

Xildhibaan Araaye wuxuu sheegay in beesha Ciise xaqeeda raadinayso sidii SNM xaqeeda shalay u raadinaysey oo weliba iyagu nabad ku raadianayaan halkii SNM dagaal iyo xabad ku raadinayeen,wuxuuna intaa ku daray in Ciise SNM ahaa oo oo abaal ku leeyihiin oo aanay filayn in sidan hadda loo galay loo geli doono ama loo farbidixayn doono bals ewuxuu sheegay inay tani ka mid tahay nasiib darooyinka dunida ka dhaca

Xildhibaan Araaye wuxuu sheegay in Beesha Ciise aanay Balcad iyo Baydhabo lahayn ee ay Saylac iyo Lughaya leeyihin balse aanay aqbali doonin in dhulkooda reero kale lagu sidko.

Geesta kale wuxuu Xildhibaan araaye sheegay in wasiir Duur Telefoon ugu hanjabay oo ku yidhi halkii aad beesha Ciise ku waday waad gaadhsiisey oo golaha barlamaanka waanu kaa eryaynaa, wuxuuna Xildhibaan Araaye oo isla hadlayaa yidhi "Waar faan weynaa aniga Duur ma caaqil uu mushahar siiyo buu I moodey,miyaanu ogeyn inaan Xidlhibaan la soo doortay ahay!.

No comments: