13 March, 2013

Maxaa Loo Doortay Baarlamaanka Somaliland Qallinkii Samsam Maxamed Cige


Maxaa Loo Doortay Baarlamaanka Somaliland Qallinkii Samsam Maxamed Cige


Somaliland tan iyo intii aay qaadatay hanaanka xisbiyada badan waxa dhacay doorashooyin kaladuwan oo isugu jira tii madaxwaynaha tii goolayaasha deeganada iyo ta baarlamaanka waxaanay ku kasbatay sumcad iyo karaamo ay kaheshay beesha caalamka


Dhamaan doorashooyinkaas kala duwan waxa ku baxay dhaqaale xad dhaafa oo mood iyo maalba leh si loomuujiyo kalsoonida aydadwaynaha Somaliland ku muujinayaan cidii wax u qabanwayda in ay badalaan wallow aan ay bisaylkeeduna dhinacsocday

Waxaam uga socdaa maqaalkaygan bal Barlamaaankii ladoortay ee umada Somaliland udoorteen in ay danahooga matalaan ama kashaqeeyaan maxaa ku dhacay ?

Mafahamdaro idinhaysataa, mabalamadii aydu dadka lagasheen ololahii doorashooyinka ayaan dhab idinka ahayn? Mise dhaqaale ayaa laydinku aamusiiyay?

Bal is barbardhig labadana tusaalooyinkan

Waxaan jeclaan lahaa anigoo ixtiraam u haya mudanayaasha goolaha in aan bal tusaale u soo qaato Barlamaanka ingriiska oo gudida u qaaybilsan lasocodka badeecadaha kayimaada dibadaha ayaa waxay baadhitaan ku samaynayeen qalabka ciyaalku ku ciyaaraan ee kayimaada Chine iyadoo ay ka eegayeen in qalabku save yahay , oo aan xanuun ciyaalka reer ingriis kaqaadayn.
Markale waxaan arkayay barlamaanka Urub gudida u qaabilsan gadiidka oo ka doodaya maxaa kalifa in dadka raacaya diyaaradahu ay kalumaan agabkooda maadaama oo qaar aykaga jireen dawooyin mihiima oo hadii ay waayaan halis galinkara noloshooda si loo ogaado dhibta sababta ayaa looyeedhay shirkadaha diyaaradaha wakiiladooda ,shirkadaha kashaqeeye rarida alaabooyinka , iyo in ay khaladku ka imanaayo dadka raacaya diyaaradaha oo dayaca samaynaya waxay waxaas u samynayaan in ay ilaaliyaan oo u adeegaan dadka oo ay matalaan.

inagana waxuun bay daku ku baraarugeen meelaha kastamada ee cashuuraha lagu qaado dadkii oo cabanay oo kacabanaya cashuurtii badeecadahay oo lakordhiyay lakiin waxay ahayd inay ku ogaadaan dooda barlamaanka gudihiisa oo kahadlaaya maxaa lookordhinayaa cashuuraha ,dadku maqaadi karaan ,maxay saamaynyeelanaysaa xaga dadka iyo meelo kale in ay ka eegaan balse may dhicin oo duuduub ayaa lagu ansixiyay misaaniyadii cashuurta dadka lagu kordhiyay

Sikastaba ha ahaatee Barlamaanka soomaliland malaa wali umayfiirsan ilaa xad wajibka kasaaran dadka ay matalaan ee soodoortay in ay sidaas u ilaaliyaan iyo silamida
Waxaay wajib ku ahayd in ay lasocdaan siyaasada xukuumada dhankastaba oo hadii ay weecatana toosiyaan hadii ay saxsanyahiina taageeran iyagoo mabda ana ku kaladuwan amaba kalataageersan xusbiyadooda hadana danta qaranka meelo badan kasinaadaan.

Bal eeg ma arkaysid iyagoo lasocda siyaasada arimaha dibada oo gudida barlamaanka u qaabilsani xataa u yeedhaya madaxda wasaarada arimaha dibada oo kuma ilalinayaan siyaasad ay ahayd in ay iyagu dajiyeen in laraacayo iyo in kale, waxay ahayd in ay kawarhayaan shirka soomalia iyo ujeedooyinkisa ,waxuu kaga duwanyahay kuwii hore , maxuu halis inagu keenikaraa, majiraan qorshayaal aynu kaga badbaadikarno halisaha muuqda inagoo aan caadifadi inaga muuqan lakiin si aqoon iyo waayo aragnimo ku dheehantahay isticmaalayna.

Wasaarada arimaha dibaduun uma jeedee ee gudikastaaba in ay muujiso waajibka saran ayaa muhiim ah waxaanan ku soo gababagabaynayaa waar waxii tagay way tageene bal imikuun ku baraaruga waajirbkiina oo ilaaliya danaha dadwaynaha

Zamzam Mohamed cige

No comments: