13 March, 2013

Guri Ku Yaala Hargeisa Oo Dad Ajaanib Ahi Degan Yihiin Oo Laga Helay Walxaha Qarxa Ama Laysku Qarxiyo Guri ku yaala Hargeisa oo dad Ajaanib ahi degan yihiin oo laga helay Walxaha qarxa ama laysku qarxiyo


Guri Ku Yaala Hargeisa Oo Dad Ajaanib Ahi Degan Yihiin Oo Laga Helay Walxaha Qarxa Ama Laysku Qarxiyo
Guri ku yaala Hargeisa oo dad Ajaanib ahi degan yihiin oo laga helay Walxaha qarxa ama laysku qarxiyo


Hargeisa--Ciidamada Amniga Somaliland ayaa Guri Villa ah oo ku yaala Xaafada Jigjiga yare ee Magaalada Hargeysa oo ay baadhitaan kedisa ku gelelefeen ka helay waxyaabo ka mid ah walxaha qarxa ama la qarxiyo,inkastoo oo aan walxaha la cadeyn inay yihiin Miinooyinka Godadka macdanta laga baadho iyo Dhagaxaanta waaweyn lagu qarxiyo iyo inkale.

Gurigan lagu soo qabtay walxaha qarxa ayaa la sheegay inay degan tahay Shirkad Macdanta iyo Dhagaxaanta qaaliga ka ganacsata oo asal ahaan Shiina ah balse dadkii shirkadu way ka maqnaayeen guriga sida warbixinuhu sheegayaan markii Ciidamda Booliisku baadhitaanka ka fuliyeen.

Geesta kale Waxaa xogaha Qarannews ka soo ururisay dhacdadan tibaxayaan in Qof asalkiisa lagu sheegay Itoobiyaan oo gurigaas waardiye ka ahaa arintaas walxaha qarxa la xidhiidha loo xidhay.

Isku soo wada duuboo ilaa hadda waxaan aad u qeexnayn in walxaha qarxa ee gurigaa laga helay yihiin Nooca ay isticmaalaan macdan-qodayaasha iyo inay yihiin nooca ay isticmaalaan dadka wax qarxiya ee ay u adeegsadaan Dadka ,Dhismayaasha iyo Gaadiidkaba.

No comments: