01 March, 2013

Kerry Iyo Hague Oo Kawada Hadlay Arrimaha Soomaaliya

Kerry Iyo Hague Oo Kawada Hadlay Arrimaha Soomaaliya


London, February 27, 2013 (W.Wararka) - Johne Kerry  Xoghaya  Arimada Dibada Mareykanka Iyo Dhigiisa  Ingiriiska  William Hague ayaa ka wada hadlay Arrimaha Soomaaliya, iyagoo isla soo hadal qaaday  xaladaha dalalka Maali Iyo Soomaaliya, waxaanay ka wada  hadleen sidii  looga hortagi lahaa halista Kooxaha Islaamiyiinta ah ee  ku sugan qaarada Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ingariiska  Williuma Hague  ayaa dhigiisa  Mareykanka  Johne Kerry  uga Warbixiyay Shirkii  London ee Hogaamiyaasha Soomaalida loo qabtay sanadkii hore, waxeeyna Labada Masuul ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen dar dargelinta  wada hadalada  Soomaaliya loo qabanayo. Sidoo kale labada masuul waxeey Isla garteen taageerida howlgalada lagu baacsanayo Kooxaha Islaamiyiinta ah ee Ka dagaalamayo Dalalka  Maali Iyo Soomaaliya, waxeyna Masuuliyiintaasi sheegeen in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan qeybaha kala duwan ee ciidamada sida kuwa Militariga iyo Boliiska, Ilaalinta Xuduudaha ,Cadaalada Iyo weliba Dhinaca Dhqaalaha  sida lagu daabacy Barta ay Wasaarada Arrimaha Dibada Mareykanka Ku leedaha  Intrneetka. Dowladda Ingariska ayaa la filayaa in Magaalada Landon ay markale Ku Martigeliso Shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya, iyadoo horay uqabaty shir kan Lamid ah sanadkii hore.

No comments: